Dowladda Itoobiya oo ka carootay kulan uu Gurguurte kaga qayb-galay dalka Masar.

Wednesday October 07, 2026 - 10:42:27
MeMO Staff
Dawladda Xabashida Itoobiya ayaa si weyn uga carootay kulan uu kasoo dhex-muuqday Xasan Sheekh Maxamuud, madaxa kooxda Villa Soomaaliya, kaas oo ay isugu yimaaddeen hoggaamiyeyaasha dalalka Masar, Suudaan iyo Eretariya.
Kulankan oo gadaal ay ka riixayeen Masar iyo Eretaraiya ayaa maalinnimadii Axadda ka qabsoomay magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar, waxaana laga soo saaray bayaan lagu daadafeeyey sad-bursiga webiga Niil iyo damaca badeed ee Itoobiya.

Maqaal shalay lagu daabacay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ah warbaahinta rasmiga ah ee dowladda ayaa si adag uga hor-yimid isbahaysigan afar-geesoodka ah iyo sidoo kale bayaanka ay soo saareen hoggaamiyeyaasha maamullada Qaahira, Asmara, Khartuum iyo Muqdisho.

Madaxa Villa Soomaaliya oo ka mid ahaa saxiixayaashii bayaankaasi, ayaa fajac iyo amakaag ku riday dowladda Itoobiya, waxaanay Gurguurte ku tilmaantay khaa’in laba-wajiile ah, oo wiiqay iskaashigii iyo xiriirkii amni ee muddada dheer u dhexeeyey Muqdisho iyo Addis Ababa.

Waxay qoomamo ka muujisay tacab badan oo ay sheegtay in ay gelisay yagleelka kooxda Villa Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in Xasan Sheekh uu gacan-bidixeeyey, isla markaana uu ka raacay dalal isku soo bahaystay wiiqista wax ay ku sifaysay horumarka Itoobiya.

Dhinaca kale, machadka Itoobiya ee Adwa ayaa isna sheegay in aysan sii socon doonin gebi-dhacleynta iyo laba-lugoodinta Xasan Sheekh, kaas oo doonayay ayuu yiri, in lug uu kula jiro Itoobiya, lugta kalena uu kula safto isbahaysiga iyada ka dhanka ah ee Masar, Suudaan iyo Eretariya.

Wuxuu ku dooddayaa machadku, in haddii Gurguurte uu ku guul-darraysto in Itoobiya uu u hir-geliyo marin-badeedkii heshiiskiisa uu ku saxeexay Ankara, ay arrintaasi Addis Ababa ku riixi doonto inay dib ugu laabato heshiiskii 2024 ay la gashay maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.

Bartamaha usbuucii lasoo dhaafay uun bay ahayd markii Gurguurte uu Addis Ababa kula kulmay Abiy Axmed, isla markaana maalmo kadib uu shaaciyey in isaga iyo maamulkiisa Muqdisho ay oggol yihiin in Itoobiya ay marin-badeed ka hesho xeebaha Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences