Warbixin ka hadlaysa isbeddelka juqraafi-siyaasadeed ee sida xawliga ah uga socda gobolka ayaa si gaar ah u tilmaantay in xaaladdani ay maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee Somaliland u abuuri karto fursad ay dunida kaga hesho aqoonsi caalami ah.
Amani Africa oo ah xarun falanqaysa arrimaha Afrika, fadhigeeduna yahay Addis Ababa, ayaa lagu sheegay in Cirro oo dhawaan ol’ole xooggan ka galay gudaha Maraykanka, uu soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay tiir muhiim u ah amniga Badda Cas.
"Qodobka ay u badan tahay in Cirro uu Washington ku qanciyo ayaa ah goobta Somaliland ay ku taallo,…” ayaa lagu yiri warbixinta Amani Africa. Iyadoo dhanka kalena ka digtay in Somaliland ictiraafkeeda looga badasho ku biirista isbahaysiyo millateri.
Sida warbixintu ay ka dhawaajisay, xarumaha Berbera iyo awoodda ay u leedahay in looga hortago Xuutiyiinta ayaa sidoo kale ah arrimo Somaliland ku riixi kara in bilowgaba ay ku dhex milanto isbahaysiyo dibadeed, taas oo keeni karta in goobtaasi yeelato door militari.
Amani Africa waxay sheegtay in guud ahaan daba-dhilifyada ku lugta leh guud ahaan siyaasadda Soomaaliya ay sii kordhinayaan in quwadaha dibadda ay ka raadsadaan taageero amni,dhaqaale, hub, tababar, aqoonsi diblomaasiyadeed iyo fursado kale.
Quwadaha dibadda ayay sidoo kale warbixintu xusty in Soomaaliya ka raadinayaan dekedo, garoomo diyaaradeed, marin ay ku helaan xogta sirdoonka, heshiisyo ganacsi iyo iskaashi ay la sameeyaan dhinacyo maxalli ah, si ay ugu adeegtaan loollanno ka baxsan Soomaaliya.
"Taageerayaashii dibadda mar dambe kuma ekaan doonto oo keliya bixinta waxyaabo laga noqon karo sida lacag, hub iyo tababar. Maanta, waxa miiska saaran waa aqoonsi, heshiisyo saldhigyo milatari iyo xiriirro dhinaca difaaca ah…” ayay tiri warbixintu.
Sidoo kale warbixintu iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tiri "Dekedaha, marinnada gaadiidka iyo xarumaha milatariga ayaa udub-dhexaad u noqday loollanka cusub ee juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.”
Amani Africa ayaa walaac ka muujisay in Somaliland la aqoonsado iyadoo aan weli si buuxda u helin fursad ay si madax-bannaan uga tashato jihadeeda. Arrintaas oo ay tilmaamayso in ay ka dhalan karaan cawaaqibyo aysan si buuxda u xakamayn karin.
Geesta kale machadka Amani Africa isagoo dhiirigeilnaya aqoonsiga Somaliland ayaa waxa uu yiri "Dacwadda Somaliland waxay mudan tahay in si dhab ah loo tixgeliyo. Waxay ku salaysan tahay taariikhdeeda gaarka ah ee gumeysiga,”
Waxa kale oo machadku uu intaasi ku daray "Somaliland waxay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo dhab ah, oo ay Midowga Afrika iyo IGAD ay gacan ka geystaan, kaas oo si dhab ah u tixgelinaya taariikhdeeda iyo rabitaankeeda,”
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland uu u muuqdo mid soo dhow, balse waxa uu ka digay in tallaabadaasi ay Somaliland ku riixi karto inay ku biirto isbahaysiyo dibadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo ku loollamaya saameynta istaraatiijiga ah ee gobolka.
"Dal waa inuu bulshada caalamka ku dhex galaa isagoo haysta xorriyad uu ku kala dooran karo xiriirradiisa, ee uusan ku gelin isagoo horay loogu qoondeeyay door uu kaga qaybqaato dagaal ay cid kale leedahay.” Ayuu yiri Amani Africa.
