Ciidamada Burundi & maleeshiyada Gurguurte oo xalay lagu miray koonfurta Soomaaliya.

Monday October 05, 2026 - 09:41:44
MeMO Staff
Sida ay wararku tibaaxayaan, hawl-gallo kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay labada Shabeelle ee dhaca koonfurta Soomaaliya.
Gobolka Shabeelada hoose, waxaa ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada maleeshiyaadak Gurguurte ee deggaanka Sabiid.

Gobolka Shabeellaha dhexe, waxay sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ay habeennimadii xalay ka fuliyeen weerarro culus oo saf ballaaran ah.

Hawl-galladan ayay jihaadiyiintu ku mireen saldhigyada ciidamada Burundi iyo maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Balcad.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu ka helnay hawl-galladan, waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray huwantii lagu beegsaday saldhigyadaasi, inkastoo weli aanaan ka helin tirakoob sugan.

Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences