Siisi, Afawerki, Al-Burhaan & Gurguurte oo daadafeeyey damaca badeed ee Itoobiya.

Monday October 05, 2026 - 08:07:08
MeMO Staff
Hor-joogayaasha maamullada daba-dhilifyada ah ee Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo madaxweynaha Eretrea ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ku baaqaya in khilaafaadka iyo dagaallada gobolka lagu xalliyo wadahadal iyo siyaasad, xilli dagaalladu ka sii xoogeysanayaan Suudaan iyo Itoobiya.
Madaxweynayaasha Masar CabdulFataax Al-Siisi, Eritrea Isaias Afwerki, Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo taliyaha ciidanka Suudaan Cabdul-Fataax Al-Burhaan ayaa bayaanka soo saaray kadib kulan ay Axaddii ku yeesheen magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar.

Bayaanku wuxuu taageeray dowladda militarigu hoggaamiyo ee Suudaan, iyadoo dhanka kalena lagu sheegeen in xakamaynta Badda Cas ay tahay inay ku ekaato dalalka xeebaha leh, arrintaas oo ka dhan ah damaca marin-badeed ee Itoobiya iyo inay joogitaan ciidan ku yeelato badda.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Gurguurte uu Addis Ababa kula shiray Abiye Axmed, kadib-na sheegay in isaga iyo maamulkiisa Muqdisho ay oggol yihiin in Itoobiya ay marin-badeed ka hesho xeebaha Soomaaliya.

Masar iyo Suudaan waxay ka digeen tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah oo waxyeello u geysan kara dalalka hoose ee webiga Niil, iyagoo u duur-xulaya khilaafka biyo-xireenka Al-Nahda ee Itoobiya ay ka hir-gelisay webiga Niil.

Dowladda Xabashida Itoobiya oo horey dalalka Masar, Eritrea iyo Suudaan ugu eedaysay inay taageerayaan isbahaysiga hubaysan ee dagaalka kula jira dowladda federaalka, ayay saddexda dal ay beeniyeen inay ku lug leeyihiin falalkaasi.

Bayaanka kasoo baxay hor-joogayaashan ayaa imanaya xilli dagaallada Itoobiya ay sii xoogeysanayaan, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo isbahaysiga hubaysan ee mucaaradka oo ay hormuud u tahay jabhadda Tigreega ee TPLF.

Related Items

Update cookies preferences