Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u soo dhaweeyey hadal kasoo yeeray madaxa kooxda Villa Soomaaliya, Xasan Gurguurte, kaas oo maalmo ka hor si cad u sheegay inuu oggol yahay in Itoobiya ay marin-badeed ka hesho xeebaha Soomaaliya.
Fana Media Corporation oo ka ah mid warbaahinta sida weyn looga qadariyo gudaha Itoobiya una janjeerta dhinaca dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u hadal-haysay warka kasoo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud, madaxa maamulka Muqdisho.
Waxay diiradda saartay sida Gurguurte uu u caddeeyey go’aankiisa ku aaddan damaca marin-badeed ee Itoobiya, isla markaana u qeexay in Muqdisho aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya ay xeebaha Soomaaliya ka hesho marin ay ka gasho badda.
"Isaga oo wareysi siinayay Al Jazeera, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dalalka Afrika ee aan bad lahayn ay heli karaan marin-badeed, isaga oo xusay in Badda Cas ay ka mid tahay badaha ku hareeraysan qaaradda Afrika…” Ayay tiri warbaahinta Fana.
Waxa kale oo Fana Media Corporation ka sanqarisay in Gurguurte carabaabay in ay jiraan habraacyo iyo waddooyin lagu gaari karo badda, isaga oo sida ay sheegtay muujiyay rajada ah in la raaco wax uu ku tilmaamay habraacyada ay caalamku wada aqbaleen.
"Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan uu dhowr maalmood ka hor booqday Itoobiya, halkaas oo uu wadahadallo laba-geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed…” ayay mar kale tiri warbaahinta Itoobiyaanka ah ee Fana.
Waxa muuqata in gudaha Itoobiya si weyn loogu riyaaqay hadallada kasoo yeeray Gurguurte, kaas oo muujiyey inuu diyaar u yahay dhamaystirka heshiiskii xaaraanta ahaa ee Itoobiya ay doonaysay inay ku qaadato qaybo ka mida xeebaha Soomaaliya, kaas oo 2024-kii ay la gashay murtad Muuse Biixi, madaxii hore ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
