Dalka Kenya oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka halista ah ee Ebola.

Wednesday October 07, 2026 - 07:03:36
MeMO Staff
Dowladda saliibiyadda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola laga helay dalkeeda arrintan oo sare usii qaadaysa cabsida laga qabo in cudurkan uu kusii faafo bariga qaadda Afrika.
Wasiirka Caafimaadka Kenya Aden Duale ayaa sheegay in qofka laga helay Eboola uu yahay muwaadin Kenyan ah oo toddobadii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Xukuumadda Nairobi waxay xaalad feejignaan ah gelisay xarumaha caafimaadka dalka Kenya oo ay ugu baaqday in ay xakameeyaan cudurkan halista ah kaasi oo kumanaan kun oo ruux ku dilay dalalka galbeedka afrika gaar ahaan Koongo.

Saraakiisha caafimaadka waxay ka digeen in sii faafidda cudurka Eboola ee gudaha Kenya uu sababi karo halis weyn sababa laxiriira adeegyada aas-aasiga oo gaabis ah ka wadanka iyo bulshada oo aan udiyaarsaneyn xakameynta cudur lamid ah Eboola.

Sida ay sheegtay hay'adda WHO cudurka Eboola ayaa gaaray toddobo gobol oo katirsan Koongo DRC iyadoo illaa 23-kii bishii hore ee Sebtembar la diiwaangeliyey 7,890 kiis oo la xaqiijiyey iyo 3,799 dhimasho ah.

Related Items

Update cookies preferences