Siyaasiyiinta beesha Xawaadle oo taageeray heshiiska Al-Shabaab & beesha Xawaadle.

Tuesday October 06, 2026 - 12:38:56
MeMO Staff
Faarax Salaad Dharaar oo ka mida siyaasiyiinta beesha Xawaadle kuna jiray dadkii sida weyn u hurinayay dagaalka ayaa soo dhaweeyey heshiiska dhex-maray Xarakada Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle.
Siyaasigan oo mid ka mida telefeeshannada daba-dhilifyadu uu waraystay ayaa shaaca ka qaaday in beeshu ay ku saxsan tahay wada-xaajoodka iyo heshiiska ay la gashay Xarakada Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in beeshu ay horey ugu dagantay dhagarta iyo khiyaanada kooxda kooxda Gurguurte, balse haatan ay danteeda garatay lana heshiisay jihaadiyiinta.

Faarax Salaad Dharaar waxa kale uu ka dhawaajiyey in beeshu aysan u kala harin oo guud ahaan ay ka warqabtay heshiiska ay wada-gaareen odayaasha reerka iyo Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in ay kasii wanaagsanaan lahayd haddii heshiisku uu kasoo hor-mari lahaa wakhtigan.

"Maadaama culays badani ka hor yimid, maadaama beel kaliyaatana aysan u babac dhigi karin, maadaama Soomaalidii kale oo dhamina gacmaha laabteen, beeshu in dagaalka Al-Shabaab keligeed ku riiqanto waxay u aragtay inay khatar tahay…” Ayuu yiri siyaasi Dharaar.

Wuxuu intaas ku daray "Wada-hadalku inuu sax ahaa ayaan u arkaa, heshiiskana in lala daahay ayaan isaga laftarkiisana u arkaa, waayo inaad lafahaaga badbaadiso wax meesha ku jira waayi, beeshuna heshiiskan ogaal bay ku gashay waanay ka wada warqabtay, waana heshiis sax ah”

Sidoo kale ku-dhaqanka Shareecada ayuu siyaasagani xusay in waajib ay ku tahay qof walba oo marnaba aan laga hor iman karin, isagoo dhanka kalena carabaabay kala qoqobka iyo kala-geynta uu Xasan Gurguurte ka wado Soomaaliya.

"Shareecada waa lagu dhaqmayaa cid diidi kartaana ma jirto, dhanka aragtida Xasan wuxuu qabaa dalka sidii loo kala goyn lahaa, laakiin Shabaabku waxay rabaan dalkoo dhan inay qabsadaan,…” ayuu yiri Dharaar

Sidoo kale siyaasi Faarax Salaad Dharaar waxa kale oo uu ka hadlay sidii looga hor-tagi lahaa tacaddiyada ay ciidamada daba-dhilifka Jabuuti ee qaybta ka ah duullaanka AUSSOM ay ka geysanayaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan Baladweyne.

"Ciidamada Jabuuti waxay wadaan caburin ay ku hayaan rabitaankii shacabka, waxaanay taasi keenaysaa in bulshadu ay ku baraarugto cadaawadda ay u hayaan dadka Baladweyne, taas oo sababi doontaa in lala dagaallamo” ayuu sheegay Dharaar.
 
Baraha Bulshada waxaa si weyn ugu faafay heshiiska ay wada-galeen Al-Shabaab iyo Beesha Xawaadle, kaas oo dhammaan wax-garadka iyo dhalinyarada beesha ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisuba ay si buuxda u soo dhaweeyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii xoogagga Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ay ka heshiiyeen khilaafaadkii iyo madmadowgii soo kala dhex-galay, isla markaana ay isku afgarteen in loo midoobo hir-gelinta ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.

FG: Muuqaallada heshiiska beesha Xawaadle iyo Xarakada halkan ka fiirso: https://t.me/SOMALIMEMOMEDIA

Related Items

Update cookies preferences