Bismillaah.
Madaariista Qur'aanka iyo xarumaha barashada diintu waxay taariikhda Islaamka kaga jiraan kaalin sarre, iyaga oo ah udub-dhexaadka ilaalinta caqiidada iyo hiddaha suuban ee bulshada Muslimka ah. Qarniyo badan goobahani waxay barkulan u ahaayeen soo saarista hoggaamiyayaal iyo jiilal ku dhiirrada dhowrista sharafta iyo madax-bannaanida diinta, iyagoo gabi ahaanba ka fogaa xakamaynta iyo faragalinta shisheeyaha.
Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay guluf siyaasadaysan oo si dadban u beegsanaya xarumahan, iyadoo la adeegsanayo xeelado maamul iyo kuwo dhaqaale. Machadka RAND Corporation iyo Xarunta Tony Blair ayaa hormuud u noqday warbixinno iyo qorshayaal xambaarsan loolan culus oo la huwiyay magacyo ay ka mid yihiin "casriyeynta waxbarashada," iyo "Hormarinta tacliinta islaamka” laakiin xaqiiqadu waa in la marin habaabiyo ummada islaamka lana baabiiyo nuxurka waxbarashada diinta si loo wiiqo saamaynta uu Islaamku ku leeyahay nolosha iyo maamulka bulshada.
Siyaasadda reer Galbeedka ee ku aaddan waxbarashada diinta Islaamka waxaa qaabeeya talooyinka kasoo baxa machadka RAND Corporation iyo mabaadi'da ay riixdo xarunta Tony Blair. RAND waxay si toos ah dowladdaha xulafada la ah u horgeysaa qorshayaal adag oo lagu khasbayo in la diwaan-geliyo dugsiyada, macallimiinta iyo ardayda, iyadoo la rabo in la xakameeyo , go’aan ka gaarista tacliintana laga qaado macalimiinta iyo madaarista, si loo curyaamiyo awoodda madaariistu u leeyihiin inay soo-saaraan da’ayar difaacda diintooda.
Dhanka kale, Tony Blair wuxuu ku doodaa in madaariista madaxa-bannaan ay halis ku yihiin nidaamka cilmaaniga ah, wuxuuna ku riixayaa dowladdaha ku xiran xaruntan inay yeeshaan awood sharciyeed oo ay ku xiri karaan goob kasta oo diini ah oo aan fulin shuruudaha reer Galbeedka, taas oo ugu dambeyntii yareynaysa fursadaha ay carruurta Muslimiintu u leeyihiin inay bartaan diintooda saxda ah.
Duullaankan lagula jiro madaariista ma aha mid ku kooban qoraallo iyo dood-cilmiyeedyo kaliya, balse hadda wuxuu si firfircoon uga socdaa bariga Afrika iyo guud ahaan caalamka Islaamka. Gudaha Soomaaliya, waxaa muddooyinkii u dambeeyay kordhay cadaadiska maamul ee saaran dugsiyada Qur'aanka, iyadoo lagu khasbayo nidaam diwaan-gelin dowladeed oo meesha ka saaraya maamulkii hiddaha ahaa ee ay bulshadu ku tiirsaneyd.
Sidoo kale, gobolka Waqooyi-Bari ee ku hoos jira gumaysiga Kenya, waxaa si joogto ah uga socda kormeer iyo dabo-gal dhanka lagu hayo goobaha diinta, iyadoo macallimiinta iyo culimada inta badan lala xiriiriyo falal lagu doonayo in bulshada looga fogeeyo, halka waddamada Carabta iyo Aasiya gabi ahaanba laga mamnuucay akhrinta kutubta waaweyn ee Shareecada, laguna beddelay buugaag lagasoo minguuriyay mabaadi'da reer Galbeedka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxwaynaha kenya William Samoei Ruto uu hadal ku saabsan arrintan ka jeediyay magaalada Wajeer, isaga oo yiri: "Waxaa gobalada NFD ka jira nidaam waxbarasho oo khaldan, isla markaana khilaafsan nidaamka waxbarasho ee dalka Kenya” hadalkiisan ayaa si cad u abaarayay nidaamka waxbarasho ee madaarista quraanka, wuxuu intaas sii raaciyay in nidaamyadaas waxbarasho lagu samayn doono faafreeb inta baaqiga ah ee ay ku qancaana loo aqoonsan doono tacliin saxan lana hoos gayn doono wasaarada waxbarashada ee Kenya.
Qorshahan ayaa sidaaas oo kale si xowli ah uga socda Soomaliya, maamulada uu shisheeyuhu ka dhistay dalka ayaa wada guluf kan lamid ah, taas oo u muuqata mid wadajir ah oo hal xafiis loogasoo meeriyay. Xamse Cabdi Bare ayaa dhawaan sheegay isla hadalka Willyam Ruutu, wuxuuna amar ku bixiyay in ay isdiwaangaliyaan macalimiinta madaarista Quraanka, macalin aan haysan aqoonsina uusan furan karin madaraso lagu barto Quraanka Kariimka uuna la kulmi doono ciqaab adag.
Amarkan mid lamid ah ayaa isna 5-tii Bishan sideedaad kasoo baxay maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed, iyaga oo shaaciyay in diwaan galin iyo dabagal lagu samayn doono madaarista iyo goobaha qur’aanka lagu barto, talaabana laga qaadi doono cid kasta oo hareer marta towjiihaadka ay soo jeediso Dowladda Xabashida Itoobiya.
Ujeeddada ugu weyn ee qorshayaashan laga leeyahay ayaa ah in isbeddel lagu sameeyo xididka hoose ee manhajka waxbarashada ee ay madaariistu bixiyaan, si loo beddelo fahamka diineed ee faca cusub. Qorshuhu kuma koobnaan doono lasocod iyo diwaan galin oo kaliya balse waxaa xigidoona in si toos ah loo fara galiyo Qur’aanka, Axaadiithta iyo culuumta kale iyada oo loo sharixi doono si ka duwan sidii Rasuulka (scw), Saxaabada iyo salafku ay u sharaxeen, waxaana imaan doonta in Quraanka iyo Axaatiithta laga saaro wax kasta oo kasoo horjeeda Yahuudda iyo Kiristaanka.
Tacliinta noocaas ah waxay soo saari doontaa muslim afka ka kasheegta islaam balse muuqqa iyo garaadkaba aan ka duwanayn reer galbeedka. Xeeladdan waxay dhex-gashaa manhajka iyadoo meesha ka saaraysa ama si khaldan u turjumaysa cutubyada muhiimka ah ee ka hadla xukunnada Shareecada, dhowrista qiyamka Islaamka iyo dawrka hogaamineed ee ay diintu ku leedahay siyaasadda iyo maamulka ummadaha.
Taas beddelkeeda, waxaa lagu dhex-darayaa fikradaha reer Galbeedka ee ku saabsan xorriyadda diinta iyo mabaadi'da cilmaaniyadda ee u arka diintu inay tahay arrin shakhsi ah oo kaliya, taas oo loogu talagalay in lagu soo saaro jiil Muslimiin ah oo magaca uun ka heysta diinta, balse aan hami weyn u lahayn sharciga Allaah iyo ku-dhaqankiisa.
Hirgelinta qorshahan manja-xaabinta ah laguma fuliyo ciidamo shisheeye oo qoryo wata, balse waxaa iska kaashanaya hay'ado caalami ah iyo gacmo maxalli ah oo uu shisheeyuhu ka dhistay wadamada Islaamka. Hay'adaha reer Galbeedka ayaa dhankooda malaayiin doollar ku bixinaya si loo fuliyo mashruucan oo loogu magacdaray "Casriyeynta Manaahijta", iyaga oo gargaarka maaliyadeed ee ay siiyaan u adeegsanaya meel marinta qorshahooda guracan, si ay meesha uga saaraan nidaam kasta oo diimeed oo aan iyaga hoostagin.
Gunaanadkii, waxaa hubaal ah in madaariista Qur’aanku ay maanta ku jiraan marxalad adag oo u baahan gurmad iyo isku-duubni weyn. Qorshayaasha RAND, dadaallada Tony Blair iyo dardargalinta isbeddelada diin la diririka ah ee ka socda Soomaaliya , Ethopia iyo Kenya ma aha kuwo ku meel-gaar ah, balse waa duullaan dano fog leh oo la rabo in lagu daciifiyo ruuxda da’yarta Muslimiinta ah ee kunool bariga Africa. Haddii madaariista laga qaado madax-bannaanidooda, lagana xayuubiyo manhajka Shareecada ee saxda ah, waxaan weyn doonnaa aqoonsigeenna diimeed iyo kii bulsho.
Dardaarankaygan wuxuu si gaar ah ugu socdaa culimada, aqoonyahanka, maamulayaasha madaariista iyo waalidiinta Muslimiinta ah ee ku dhaqan dal iyo dibad: Waa in si adag loo diido shuruud kasta ama dhaqaale kasta oo keenaya in faragalin lagu sameeyo waxa madaariista lagu barto. Sidoo kale, waa in kor loo qaado, lana sii xoojiyo barashada caqiidada saxda ah iyo qiyamka Islaamka ee dhabta ah. Ugu dambeyntii, waa in la helo iskaashi weyn oo ka dhexeeya bulshada iyo madaariista, si loo noqodo awood adag oo difaaca jiilka soo koraya, sababtoo ah luminta madaariistu waa luminta mustaqbalka umadda.
W/Q: Ustaad Cabdi Abuu Mucaad oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga madaarista Qur’aanka.
