Gobolka Tigrey oo qarka u saaran in dagaal culus mar kale ka qarxo. [WARBIXIN]

Sunday June 14, 2026 - 10:22:24
MeMO Staff
Wararka ka imanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in kooxda mucaaradka ee TPLF ay diyaarinayso weerar cusub oo ka dhan ah dowladda Xabashida Itoobiya, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in dagaalkii Tigray uu dib u qarxo, sida uu tebiyey wargeyska caalamiga ah ee The Africa Report.
Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olesegun Obasanjo, oo gacan ka geystay dhexdhexaadinta Heshiiskii Pretoria ee 2022, ayaa Khamiistii gaaray caasimadda gobolka gobolka Tigrey ee Maqalla, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee halkaas ka jiraa.

Warbixintu waxay xustay in booqashada Obasanjo, ayaa kusoo aadday iyadoo madaxa sirdoonka Itoobiya, Ridwan Xuseen iyo madaxweynihii hore ee gobolka Tigray, Getachew Reda, ay isla khamiistii ka digeen in TPLF isu diyaarinayso in maalmaha soo socda ay weerarto maamulka Abiy Axmed.

Falanqeeyayaal badan oo wargeysku soo soo xigtay ayaa aaminsan in booqashada Obasanjo ay ka tarjumayso walaac sii kordhaya oo ka dhex jira Midowga Afrika oo ku saabsan in heshiiskii Pretoria uu wajahayo caqabaddii ugu weynayd tan iyo markii qalinka lagu duugay.

Khilaafka gobolka Tigrey ma aha sababta keliya ee ay xiisaduhu u sii kordhayaan, balse sida uu wargeysku carabaabay, waxaa walaaca kordhiyey digniinaha ka imanaya masuuliyiin sare oo Itoobiyaan ah oo sheegaya in gobolku uu ka sii gudbayo iska hor-imaad siyaasadeed una sii socdo dagaal millateri.

Digniinta ugu culus waxay ka timid Ridwaan Xuseen iyo Getachew Reda. Iyagoo si wadajir ah ugu eedeeyey xubno TPLF ah oo ay taageerto Erateriya inay diyaarinayaan guluf cusub oo millateri oo ka dhan ah dowladda federaalka Itoobiya.

"TPLF waxay si cad uga baxday heshiiskii Pretoria, waxayna hadda isu diyaarinaysaa colaad hor leh oo furan oo ka dhan ah dowladda federaalka,” ayay yiraahdeen Ridwaan Xuseen iyo Getachew Reda, mar ay dhawaan warbixin wada-jira ah siiyeen Al-Jaziira.

Labada masuul waxay ku doodeen in in sirdoonka Erateriya uu sameeyey isbahaysi ka dhex jira kooxaha kasoo horjeeda heshiiska nabadda, waxayna sidoo kale ku eedeeyeen xubnaha ugu miisaanka culus TPLF inay dib u dhisayaan awoodda millateri, haatanna isku diyaaranayaan weerar cusub.

Hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF oo si joogto ah u daadafeeya sheegashooyinka ah inay isu diyaarinayaan dagaal cusub, ayaan ilaa hadda si cad uga hadal eedeymaha cusub ee ay soo jeediyeen Ridwaan Xuseen iyo Getachew Reda.

Warbixin ay soo saartay urur sheegta inuu ka shaqeeyo xuquuqda aadanaha ah oo ka jira gudaha Itoobiya ayaa lagu shaaciyey in gobolka Tigray laga wado askareyn qasab ah, iyadoo dhalinyaro iyo dagaalyahanno hore la ururinayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka millateriga.

Waxaa sidoo kale la sheegay in boqolaal dhalinyaro ah la raafay, xilli TPLF soo saartay sharci cusub oo dhigaaya in askariyeynta ay waajib ku tahay dhalinyarada, isla markaana ciqaabo adag la marsiin doono cidda ka hor-timaadda hawlahaasi.

Dadka taageersan hawl-galkan ayaa ku doodaya inuu muhiim u yahay difaaca Tigray, halka dadka kasoo hor-jeedaanna ay u arkaan caddeyn muujinaysa diyaar-garow dagaal oo TPLF ay waddo iyo caqabad hor leh oo lasoo deristay xorriyadda hadalka.

Si kastaba, gobolka Tigrey waxuu u muuqdaa mid mar kale gelaaya xaalad hubanti la'aan ah, iyadoo ay jiraan cabsi sii kordheysa oo ku saabsan suurtagalnimada dagaal cusub oo mar kale ka dhex-qarxa ciidanka Xabashida Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

Related Items

Update cookies preferences