Qaramada Midoobey oo qarka u saaran burbur cabsi dhaqaale awgeed.

Tuesday June 02, 2026 - 08:44:25
MeMO Staff
War rasmi ah oo kasoo baxay waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in howlaheeda shaqo ay qarka usaaranyihiin joogsasho kadib ay lakulantay iflaas dhanka maaliyadda ah.
Xoghayaha guud ee Q.Midoobe wuxuu sheegay in ay la'yihiin lacago boqolaal bilyan oo Dollar ah kuwaas oo uga imaan jiray dhanka Shiinaha iyo Mareykanka.

Wuxuu carrabaabay in dhaqaala xumada maaliyadeed aawgeed ay joogsadeen kulamo muhiim ah oo uu goluhu yeelan lahaa sababa laxiriira Tarjumaannada shaqeeya xarunta magaalada New York oo soo gaabiyay saacadihii ay shaqeynayeen.

Sidoo kale waxaa hoos loodhigay jaranjarooyinka korontada ku shaqeeya ee xarunta Q.Midoobay kadib markii la awoodi waaye bixinta lacagta Korontada.

Saraakiil ku sugan magaalada New York waxay sheegeen in lasoo gaabiyay shaqada golaha ammaanka haddii aan lahelin lacagaha mushaaraadka shaqaalaha ay gebi ahaan shaqadu joogsan doonto bisha Agoosto ee soo socota.

Miizaaniyadda waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa 42% kutimaada Mareykanka iyo Shiinaha,maamulka Trump ayaa aad hoos ugu dhigay bixinta qarashaadka golaha halka Shuunuhu uu ka cagajiidayo qarash bixinta.

Ururka ugu weyn dunida ayaa qarka usaaran burbur dhaqaale waxaana burburi doono howlgallo melleteri oo ka socda daafaha dunida haba ugu badnaato qaaradda Afrika.

FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:

Related Items

Update cookies preferences