Atlantic Council oo ah hey'ad fadhigeedu yahay Maraykanka kana faalloota arrimaha siyaasadda iyo amniga caalamka, ayaa ka digtay dagaal ay sheegtay inay qarka u saaran yihiin dalalka Itoobiya iyo Eretariya, kaas oo salka ku haya xiisado horey u jiray iyo kuwo kale oo hor leh.
Waxaa jira ayay tiri, cabsi weyn oo laga qabo inuu dib u qarxo dagaalkii gobolka Tigray. Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo federaal ah dib ugu dirtay gobolkaas, iyadoo ku eedaysay Ereteriya inay faragelin ku hayso isla markaana ay xiriir la leedahay garab ka mid ah TPLF.
TPLF dhankooda waxay dalbanayaan soo celinta dhulal beeraha ku wanaagsan oo maleeshiyaadka Amxaaradu qabsadeen. Iyadoo sideeddii sano ee Abiy Axmed uu kursiga ku fadhiyey, ay xasillooni-darro baahsani ka jirtay gudaha Itoobiya.
Warbixintu waxay xustay in mudan maleeshiyada amxaarada ee Fano oo markii hore xulufo la ahayd dawladda ayaa hadda mucaarad ah, waxayna hubka u qaateen ka dib markii la isku dayay in la kala diro.
Sidoo kale, hey’adda Atlantic Coucil waxay sheegtay in ciidamada federaalka ay dhanka kalena dagaal kulaan jiraan jabhadda oromada ee OLA, iyadoo dagaalkaas aan si weyn looga warramin xannibaado saaran saxaafadda darteed.
Waxaa la rumeysan yahay sida ay sheegtay warbixintu, in Ereteriya ay taageero siiso kooxaha Fano iyo OLA si ay Itoobiya ugu mashquuliso dhibaatooyinka gudaha.
Geesta kale, Abiy Ahmed ayaa si xooggan u raadinaya in Itoobiya ay hesho marin-badeed, waxaana jira ayay tiri warbixintu, hadal-hayn ku saabsan in Itoobiya ay doonayso inay xoog ku qabsato dekedda Cassab ee Ereteriya, inkasta oo R/Wasaaruhu diiday inuu qorshaynayo dagaal toos ah.
Warbixintu waxay muujisay in xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay si degdeg ah u sii kordhayso, waxaana haatan socda dagaal-wakaaladeed aan toos ahayn. Iyadoo doorashooyinka Itoobiya ee 2026 ay noqon karaan barta ugu halista badan ee xaaladda sii kicin karta.
