Wararka ka imaanaya magaalada beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay iska hor'imaad hubaysan oo udhaxeeyay maleeshiyaadka mucaaradsan kooxda Villa Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti.
Iskahor’imadka ayaa yimid kadib markii laga warhelay in diyaarad ciidan kasoo daabushay Muqdisho ay kusoo degi doonto madaarka beledweyne.
Maleeshiyaadka taabacsan sanabaloolshe ayaa ku guuleystay in ay lawareegaan gacan ku heynta garoonka magaalada iyagoo kasaaray ciidamada jabuuti.
Sarkaalka hoggaaminayay maleeshiyaadkii garoonka qabsaday ayaa warbaahinta uga warramay sidii ay wax udhaceen isagoona qiray in labada dhinac uu khasaara soo gaaray.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in diyaarad sidday illaa 50 katirsan maleeshiyaadkii kooxda Gurguurte ay ku degtay degmada Guriceel halkaas oo lafilayo in dhanka dhulka ay kasoo aadaan Beledweyne.
Ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in ciidamada jabuuti dagaalkii maanta looga dilay 1 askari waxayna markii dambe gurmad ka dalbadeen ciidamada Itoobiya balse lama sheegin wax gurmad ah oo ay ka heleen.
Xaaladda magaalada beledweyne ayaa weli kacsan waxaana laga dareemayaa xiisada colaadeed iyo hub aruursi.
