DF oo qiratay in askar iyo saraakiil badan looga dilay weerarkii Yaaq Bariweyne.

Sunday November 15, 2026 - 13:57:29
MeMO Staff
Markii ugu horraysay ayay dowladda Xasan Gurguurte madaxda ka yahay xaqiijisay in looga itaal roonaaday dagaal dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Leego, ee gobolka Shabeellaha hoose.
Warbaahinta Drop Site News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa baahisay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab meel u dhow deegaanka Yaaq beri Weyne horraanta maalintii Khamiista.

Sida ay warbaahintu ka soo xigatay laba sarkaal oo ka tirsan amniga DF Soomaaliya kolonyo ka koobnayd shan gaari oo ay wateen ciidamada Danab ayaa weerarka lagu qaaday xilli ay ku jireen roondo ciidan.

Warbixintu waxay sheegtay in askar badan iyo saraakiil lagu laayay dagaalka isla markaana Al-Shabaab ay la wareegtay laba ka mid ah gaadiidkii kolonyada oo ahaa nuuca loo yaqaan Cabdi Bilayaasha.

Warbaahintan laga leeyahay Mareykanka waxaa loo xaqiijiyay in weerarkan uu ahaa midkii 2aad ee lagu jebiyo ciidamada dowladda isbuucyo isku dhow.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ku dishay 17 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Danab.

Wasaaradda Gaashaandhigga DF-ka ayaa iyaduna xaqiijisay in labada taliye ciidan oo darajo sare lahaa ay ka mid ahaayeen askartii ku dhimatay weerarkii deegaanka Yaaq Bariweyne.

Shabakaddan oo si gaar ah u dabagashay khasaaraha ay lakulmaan maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Soomaaliya ku sugan ayaa xaqiijisay in bilihii lasoo dhaafay ay la kulmayeen weeraro dhiigbax culus sababay.

Related Items

Update cookies preferences