Weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku beegsadeen kolonyadii ciidanka dowladda federaalka ee ku dhawaad laba usbuuc ka hor ka dhacay deegaanka Jameeco ee Sh/hoose ayaa saameyntiisa laga dareemayaa goobtii lagu dagaallamay.
Meydadka boqolaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa daadsan dhulka howdka ah iyo wadada laamiga, arrinkaas oo muujinaya xaddiga uu gaarsiisanyahay khasaaraha gaaray ciidanka dowladda.
Baraha bulshada ee Soomaalidu kuwada xiriirto waxaa si aad ah looga hadal hayaa arrintan ku saabsan meydadka askartii dowladda ee lagu laayay weerarkii deegaanka Jameeco
Dad shacab ah oo ku safray wadada xiriira Muqdisho iyo Baydhabo ayaa Moobilladooda ku towthiiqiyay kuna duubay meydad tirabeel ah oo daadsan wadada laamiga ah iyo hareeraheeda.
Meydadka oo ah kuwa qurmay ayaa si aad ah loogu faafiyay baraha bulshada sida Facebook iyo Tiktok arrinkaas oo dhaliyay hadal heyn iyo buuq siyaasadeed oo dowladda federaalka dhaxdeeda ah.
Lataliyihii hore ee amniga xafiiska R/wasaaraha DF Soomaaliya ayaa qoraal ah ku faafisay barteeda X ee Twitter loo aqoon ku jira ku muujisay sida ay uga argagaxday meydadka ciidankii dowladda oo iyagoo qurmay yaalla howdka deegaanka Jameeco.
"Waa arrin qalbiga aad u xanuujinaysa in toban maalmood kadib dhacdadii Jameeco, meydadka askartii ku dhimatay ay weli yaallaan waddada dhinaceeda, halka hoggaamiyeyaashii u diray hawshan masiiriga ah ay meelo kale ka damaashaadayaan gudaha maamulgoboleed federaal ah" Ayey tiri haweenay lataliyihii hore ee Xasan Cali Kheyrre.
Kumanaan kun oo fikrado ka dhiibtay arrintan ayaa la yaabay tira badnida meydadka iyo sida DF Soomaaliya ay udayacday ciidankeeda.
Muuqaallada oo si aad ah ufaafay waxaa saameyn u sii yeelay shacab socoto ah oo si kedis ah ku arkay kadibna duubay waxayna lawadaageen bulshada.
Meydadka qaar ayaa la arkayaa iyagoo dugaagtu ku feenaynayso dhulka howdka ah ee udhaxeeya deegaannada Leego illaa Jameeco.
Saraakiil, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno arrinkan ka hadlay ayaa dhammaantood amakaag in anfariir ka muujiyay xasuuqqa ciidamada Gogor la gaarsiiyay waxayna ku eedeeyeen taliyaasha ciidanka ee kooxda Gurgurute in aysan u naxayn ciidanka ay xaabada uga dhigteen dagaallada.
