Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa ka taagan xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidanka DF Soomaaliya iyo ciidan-beeleed daacad u ah Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Xiisadda ayaa timid ka dib markii ay shalay magaalada Beledweyne soo kala gaareen Sanbaloolshe oo hoggaaminaya mucaaradka iyo C/fataax Afrax oo isagana ku magacaaban ku xigeenka Cali Guudlaawe, madaxa maamulka Ashahaada la dirirka Hirshabeelle.
Ciidan-beeleed diiddan maamulka Ashahaada la dirirka ah ee fadhigiisu yahay Jowhar, ayaa horay u sheegay inuusan Beledweyne kasoo degi karin C/fataax Afrax, balse ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxda Gurguurte ay keenista ninkan ee Beledweyne u adeegsatay dowladda Jabuuti, diyaarada lagu keenay ayaana la sheegay in lagu dhigay astaanta Ciidamada Midowga Afrika.
Wararku waxay sheegayaan in markii uu Gurguurte ku fashilmay maareynta arrimaha maamulkii uu ka dhistay Baydhaba uu hadda kaliya xoogga saarayo sidii uu Hiiraan u gaarsiin lahaa maamulkii uu dhowaan ka dhistay Jowhar ee uu kusoo celiyay Cali Guudlaawe, kaasi oo diidmo xooggan kala kulmay siyaasiyiin iyo ciidan-beeleedka hubaysan.
Madaxa Villa Soomaalia, Xasan Gurguurte ayaa lasoo wariyay in uu taliska ciidankiisaa ku amaray in ciidan kun askari kor u dhaafaya oo ku xareysan xero ku taal Xananbuurre oo gobolka Galguduud ah loo qaado dhanka gobolka Hiiraan, oo uu kacdoon hubeysan ka wajahayo.
Dowladda Jabuuti oo ciidamo ka joogaan Hiiraan, ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka tahay xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolkaasi, iyada oo lasoo wariyay inay la safatay dhanka Gurguurte, maadaama nin aad looga diidanaa Beledweyne ay garoonka diyaaradaha kasoo dejisay.
Beledweyne ayaa wajahaysa xaalada dagaal, iyadoo xalay muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ay muujinayeen jidadka oo ay ciidan-beeleed hubeysani isku fidiyeen.
