Ciidan ka goostay magaalada Baydhabo oo iska dhiibay Awdiinle.

Thursday October 29, 2026 - 19:04:03
MeMO Staff
Xaalad kala firxad ah oo ay sameynayaan maleeshiyaadka Aadan Madoobe ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in halkaas ay ka goosteen illaa 10 askari oo katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Askartan ayaa iyagoo hubbkooda wata lagusoo dhoweeyay deegaanka Awdiinlle oo ay gacanta ku hayaan ciidamo daacad u ah Cabdicasiis Laftagareen hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, sarkaalkan hoggaaminayay maleeshiyaadka goostay ayaa sheegay in xaalado adag ay la kulmeen taas oo ku qasabtay in ay naftooda badbaadiyaan.

Ciidamo ka soo goostay magaalada Baydhabo ayaa gaaray degmada Awdiinle ee gobolka Baay, ayagoona isku soo dhiibey Dowladda Koonfur Galbeed, kaddib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka lagu hayo shacabka deegaanada Koonfur Galbeed.

Maleeshiyaadkan oo dhawaan loo soo xiray tababar, looguna magacdaray "Aadey Mékasow”, waxaa deegaanka Awdiinle ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan maamulka deegaanka waxayna sheegeen in hubkooda loo lacageyn doono.

Isbuucii hore ayay aheyd markii ay Baydhabo ka goosteen sarkaal ciidan iyo 25 askari oo katirsanaa ilaaladiisa, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii liicayo maamulka daacadda u ah DF-ka ee ka jira degmooyin katirsan gobollada Baay iyo Bakool.

FG: Wararka deg-degga ah ku xirnow: https://t.me/SOMALIMEMONEWS2

Related Items

Update cookies preferences