Xubnaha taabacsan Hirshabelle oo lagu amray in ay 24 saac ay kaga baxaan Beledweyne.

Tuesday November 03, 2026 - 07:04:33
MeMO Staff
Xilli ay cirka iskusii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira degmooyin katirsan gobolka Hiiraan ayaa weeraro lagu beegsaday xubno taabacsan maamulka Caliguudlaawe.
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle ay xoog kugaleen guryo kuyaal Bariga magaalada ayna ku sugnaayeen mas'uuliyiin katirsan maamulka Caliguudlaawe.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee taageersan Yuusuf Dabageed iyo Sanbaloolshe ayaa soo saaray amar ah in 24 saac gudahood ay Beledweyne uga baxaan saraakiisha daacadda u ah Cali Guudlaawe, maleeshiyaadka maamulkiisa ayuu faray in ay tallaan ka qaadaan xubnahan haddii ay magaalada ka bixi waayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in boqolaal askari ay soo gaareen xarunta gobolka Hiiraan ayna socdaan kulamo siyaasadeed oo dhidibada loogu dhisayo maamul ka madax banaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Khilaafka siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii bishii lasoo dhaafay uu Xasan Gurguurte madaxweyne markale ka dhigay Caliguudlaawe tallaabadaas oo laga diiday intabadan degmooyinka gobolka Hiiraan.

Related Items

Update cookies preferences