Saacado kadib markii ay maleeshiyaad hubaysan la wareegeen inta badan xarumaha maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayay bandow kusoo rogeen xaafadaha dhaca bariga magaalada.
Boqolaal maleeshiyaad ah oo wata gaadiid dagaal ayaa la wareegay xarumaha maamulka degmada Beledweyne oo ay ugu weyntahay xarunta Lama galaay.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay maleeshiyaad mucaaradsan dowladda federaalka oo lawareegaya xarunta isku raranka ah ee Lamagalaay waxaana halkaas isaga baxay maleeshiyaad daacad u ahaa Xasan Gurguurte.
Jawiga Bariga beledweyne ayaa laga dareemayaa isbedel weyn waxaana waddooyinka lagu arkayaa gaadiid Tiknika ah oo ay saaranyihiin maleeshiyaad daacad u ah Sanbaloolshe oo ah xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka basle mucaaradsan kooxda Villa Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka la wareegay Bariga Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in ay kala ceyriyeen xubnihii maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle isla markaana ay xireen garoonka diyaaradaha magaalada.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka mucaaradka ah ay saraakiisha ciidamada Jabuuti ku wargeliyeen in garoonka Beledweyne uusan kasoo degi karin Cabdifataax Xasan Afrax oo ku magacaaban madaxweyne kuy xigeenka maamulka Hirshabelle.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Cabdullaahi Sanbaloolshe uu isbuucii lasoo dhaafay sheegay in uu maamul cusub ka dhisi doono gobolka Hiiraan.
