SAWIR: Caro ka dhalatay muuqaalka Gurguurte oo madaxa u foorarinaya Museveni.

Wednesday October 28, 2026 - 18:55:08
MeMO Staff
Ninkan bahdilan ee madaxa hoos u foorariyey ee sawirka ka muuqdaa, waa madaxweynaha DF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Isniintii lasoo dhaafay isagoo is-bihinbinaya codsi u gudbinaya, madaxweynaha Uganda, baadariga lagu magacaano Yoweri Museveni.
Codsiga oo ahaa in ciidamada Uganda ee heshiiska laba-geesoodka ah ku jooga Soomaaliya aan laga saarin dalka, siina wataan duullaankooda, ayuu Museveni uu ganafka ku dhuftay, sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, waxaanu u caddeeyey in dhawaan uu la baxayo ciidamadiisa.

Sawirkan oo lagu baahiyey mid ka mida baraha bulshada ee madaxweynaha Uganda, ayaa fal-celin xooggan ay ka dhalatay, waxaanay dadka Soomaalidu aad uga caroodeen sida dullaysiga ah ee Gurguurte uu ugu hoganayo Madaxweynaha Uganda.

"Tani waa murugo wallaahi waxa ay muujineysa heerka damiir-xumo ee ay ku sugan yihiin kuwa isku sheegaya in ay yihiin madaxda dalka…” Ayuu yiri, mida ka mida dadka Soomaaliyeed ee ka fal-celiyey arrintan foosha xu nee Gurguurte uu ku kacay.

Qof kale oo arrintan ka hadlay ayaa yiri "Odaygani markuu Gaal arko, dhabarka ma ceshan karo miyaa, balo ku cayaadhay…”. Maxamed Saciid Cumar qof ay ugu qoran tahay ayaa isna yiri "Xasan Garguurte waa ma-xishoode weyn oo diintii, dadkii iyo dalkii uu u dhaartay iibsaday…”

Ruux kale oo Soomaaliyeed ayaa isna yiri "Xasanoow sujuudda Ilaahay uunbaa loogu talo-galay…” halka qof kalena uu fool-xumada ficillada Gurguurte kaga fal-celiyey "Odaygii Gaal-u-sujuude ahaa arka” Almis-logisic nin ay ugu qoran tahay ayaa isna yiri "Sidani waa qalad”.

Sawirkan muujinaya Gurguurte oo u hoganaya baadari Museveni ee lagu baahiyey mid ka mida baraha bulshada ee madaxweynaha Uganda, ayaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee ka fal-celiyey ay muujiyeen sida ay uga caroodeen dullinimada iyo liidnaanta Xasan Sheekh.

Muddo-xileedkiisii hore, gaar ahaan 2016-kii, ayay ahayd markii la arkay Gurguurte oo ku sugan saldhig ku yaal magaalada Eldoret, una rukuucaya ciidan ka tirsanaa millateriga Kenya oo lagu laayay weerar ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay deggaanka Ceel-cadde.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences