Dowladda Federaalka Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaysa caqabado amni oo aad u xooggan xilli weerarrada kooxda Al-Shabaab ay sii xoogaysteen, kuna sii fidayaan dhul hor leh.
Sida ay wararku tibaaxayaan Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadkan ku tago dalka Ruushka, kadib markii maalmahan u dambeeyey ay sii laba-laxaadsadeen weerarrada kooxdu ay ka fuliso dalka.
Sida uu sheegay sarkaal la hadlay mid ka mida warbaahinta maxalliga ah, baaqashada safarka Gurguurte ayaa yimid kadib weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ay Isniintii ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan agagaarka Jameeco ee duleedka Leego.
Madaxweynaha DF ayaa Isniintii booqasho ku tegay Uganda, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dalkaasi, Yoweri Museveni. Intii kulanka socday, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu codsaday in ciidamada Uganda ee ku jooga heshiiska laba-geesoodka ah ay kasii hawl-galaan Soomaaliya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in Musaveni uu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale. Waxa kale oo uu dul-dhigay Guguurte amar ah in deg-deg uu ula heshiiyo mucaaradka, haddii arrintasi dhici waydana uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.
