Welwel xooggan oo laga muujiyey xirista UNSOS & mustaqbalka hawl-galka AUSSOM.

Monday October 26, 2026 - 09:51:42
MeMO Staff
Walaac badan oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa weli dul hoganaya ciidamada Afrikaanta tan iyo wixii ka dambeeyey markii Maraykanka uu si rasmi ah u shaaciyey inuu jaraayo taageeradii dhaqaale iyo saad ee uu siin jiray hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Washington waxay dhowr bilood ka hor si rasmi ah u shaacisay inay joojinayso lacagaha ay ku bixiso xafiiska UNSOS ee taageerada ciidamada AUSSOM, tallaabadaas oo halis ku ah duullaanka gardarrada ah ee ciidamada Afrikaantu ay ka wadaan Soomaaliya.

Sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska ee Africa Intelligence, shaqaalaha UNSOS ayaa kaftan murugo iyo qosol isugu jira kusoo bandhigaya suurtagalnimada in howlgalka iyo shaqadooduba dhammaadaan 31-ka Diseembar, taas oo muujinaysa hubanti la’aanta ka taagan mustaqbalka howlgalka.

"Maxaa dhici lahaa haddii shaqaaluhu ay xafladdooda sagootinta la qabsan lahaayeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, 31-ka Diseembar?” Waa mid ka mida su’aalaha iyo guuxa beryahan ka dhex-jiray xafiiska UNSOS, sida ay sheegtay Africa Intelligence.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintan oo soo baxday maanta oo Isniin ah, ayaa lagu caddeeyey in weli aan la hayn qorshe kale oo dhaqaale oo la hubo oo lagu daboolayo farqiga ka dhalanaya dhimista ama joojinta maalgelinta Maraykanka ee howlgalka AUSSOM.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences