Deni oo digniin culus kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, kuna baaqay shirweyne qaran.

Sunday October 25, 2026 - 14:03:11
MeMO Staff
Madaxweynaha maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa digniin culus kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, waxaanu ku baaqay in si degdeg ah la isugu yimaado shirweyne uu sheegay in lagu badbaadinayo wax uu ku tilmaamay dowladnimada Soomaaliya.
Deni oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay wajahayso xaalad halis ah, isaga oo Xasan Gurguurte ku eedeeyay inuu fashiliyay wada-hadalladii siyaasadeed, isla markaana ku dhawaaqay jadwal doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.

"Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya in la isugu yimaado dhakhso, sidii loo badbaadin lahaa dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Deni.

Waxa uu sheegay in dad badan oo reer Puntland ah ay ka niyad-jabeen wax uu ku sifeeyey hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo ballanqaaday in marka uu qaadanayo go’aannada masiiriga ah uu kala tashan doono bulshada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu cambaareeyey weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsato kooxda Villa Soomaaliya, isagoo Gurguurte iyo kooxdiisa mar kale ku eedeeyey inay si gaar ah ugu takrifalaan hantida Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Deni ayaa sheegay in Puntland ay wadatashi la sameyn doonto shacabka, si loo helo xal wadajir ah oo wax looga qabto xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo ka hor kooxda Villa Soomaaliya ay shaacisay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka May 2027, halka doorashada madaxtooyadana loo asteeyey 15-ka April 2027.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences