SAWIRRO: Ciidanka Itoobiya oo weerar culus ku qaaday degmada Mooyaale ee Soomaali Galbeed.

Thursday October 22, 2026 - 12:02:53
MeMO Staff
Dagaal culus oo u dhaxeeya Shacabka iyo ciidamada Itoobiya ayaa saaka ka qarxay degmada Mooyaale ee xarunta gobolka Daawa oo ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos-jira gumeysigs Xabshida Itoobiya.
Dagaalkan oo la sheegay in uu geystay khasaare kala duwan ayaa qarxay kadib markii ciidamo kala duwan oo hoos-taga maamulka Abiy Axmed ay subaxnimadii saaka weerar culus ku qaadeen shacabka abriyada ah ee ku dhaqan degamada Mooyaale.

Sida ay wararku tibaaxayaan ciidanka arxan-laawayaasha ah ee Abiy Axmed oo adeegsanaya hubka culus ayaa cagta mariyey dhowr tuullo oo hoos-taga degmada Mooyaale. Waxaana ka mid ah tuullada Jaamuq oo gebi ahaanba ay bililiqaysteen, haraadigiina ay dab qabadsiiyeen.

Xaaladdu aad ayay u cakirantay saaka, waxaa joogsaday isu-socodkii bulshada, waxaana bilowday barakac xooggan, iyadoo gebi ahaan magaalada iyo nawaaxigeedu ay isku bedeleen goobo dagaal.

Warbaahinta dowladdda Xabashida Itoobiya ayaa dhankeeda, dagaalkan saaka ka qarxay degmada Mooyaale ka tebinaysay, warar ka fog xaqiiqada oo ka dhan ah shacabka lasoo weeraray ee Soomaali Galbeed.

Inkastoo aan weli la helin tirakoob sugan, haddana xogaha horudhaca ah ayaa sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ay soo gaareen dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh, kaddib xasuuqa ay ciidamada Itoobiya saaka ka geysteen Mooyaale.

Maamulka daba-dhilifka ah ee dowladda Xabashida Itoobiya ugu magacaaban dhulka Soomaali Galbeed oo hor-jooge uu ka yahay Mustafe Cagjar, ayaan ilaa hadda ka hadal dadka shacabka ah ee lagu xasuuqay degmada Mooyaale.

Sida ay wararku tibaaxayaan, maalmahan u dambeeyey waxaa jiray diyaar-garow xooggan oo ciidamada Itoobiya ay ka wadeen deggaankaasi, iyagoo saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu soo daad-gureeyey deggaannada ku dhow degmada Mooyaale.

Qaar ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyey in ay hoggaaminayeen dagaalkan, oo sida la sheegay salka ku haya damac dhuleed oo Abiy Axmed iyo maamulkiisu ay ka wadaan deggaannada Soomaali Galbeed.

Geesta kale, ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya, in maalmahan u dambeeyey ay isa soo tarayeen warar sheegayay in duullaanka ciidamada Itoobiya uu salka ku hayo sidii dadka Soomaalida ah looga barakicin lahaa dhulkooda, gaar ahaan magaalada Mooyaale.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Xabashida Itoobiya waxay mar walba ku dedaalaysaa sidii ay u gumayn lahayd ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ay ula wareegi lahayd dhulkooda, dhaqaalahooda iyo guud ahaan khayraadkooda ceegaaga berriga iyo badaha Soomaaliyeed.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco:

Related Items

Update cookies preferences