Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sii xoojisay damaceeda gurracan ee bad-raadiska ah, iyadoo sii laba-jibbaarartay dedaalka ay ugu jirto sidii ay ku heli lahayd marin-badeed ay ka xayuubsato xeeabaha dalalka Soomaaliya ama Eretariya.
Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa kulan uu jimcihii shalay kaga qayb-galay magaalada Bahardaar ee xarunta ismaamulka Amxaarada, ka sheegay in sugidda amniga Badda Cas aysan ku koobnaan karin oo keliya dalalka xeebaha leh.
"Amniga Badda Cas laguma koobi karo oo keliya maamulka iyo ilaalinta ay gacanta ku hayaan dhowr dal oo xeebta ku teedsan,” ayuu yiri Ridwaan Xuseen, isagoo intaa ku daray in quwadaha caalamka iyo kuwa gobolku ay ku tartamayaan gacan-ku-dhigista marinnada istaraatiijiga ah ee gobolka.
Waxa uu marmarsiiyo ka dhigtay weerarrada kasoo cusboonaaday dhinaca Badda, waxaanu sheegay in beegsiga maraakiibta ganacsiga ay muujinayaan koror walaac leh oo saameyn ku yeelan kara wax uu ku tilmaamay xasilloonida gobolka iyo tan caalamka.
Hadallada ka soo yeeray madaxa sirdoonka Itoobiya ayaa la jaanqaadaya odhaahyo horey laga soo xigtay R/Wasaare Abiy Axmed, kuwaas oo uu ku sheegay in Itoobiya aysan ka tanaasuli doonin damaceeda badeed, isla markaana ay doonayso inay ku xaqiijiso xoog ama xeelad.

