Ciidamada Itoobiya oo magaalo kale ka saaray ciidamada Eratariya & maleeshiyada TPLF.

Wednesday October 14, 2026 - 08:19:54
MeMO Staff
Ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa gaaray magaalada Zalambessa oo ku taalla xadka Eretariya, taas oo markii hore ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreega, sida dad xog'ogaal ah oo ku sugan deggaanku ay u xaqiijiyeen warbaahinta caalamka.
Goobjoogayaal iyo hay’ad la socota colaadaha ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay toddobaadkii hore gudaha u galeen magaalada Zalambessa, oo u dhow cirifka waqooyi ee Itoobiya, iyagoo taageeraya fallaagada Tigreega.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in weli aysan caddayn in ciidamada Eritrea ama fallaagada Tigraygu ay weli si buuxda u faarujiyeen magaalada iyo in kale, inkastoo xukuumadda Asmara ay horeyba u beenisay in ciidamadeedu ay gudaha u galeen Itoobiya.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, afhayeen u hadlay maleeshiyaad taageersan dowladda Xabashida Itoobiya ma uusan xaqiijin in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Zalambessa oo la sheegay inay ku nool yihiin ku dhawaad 15,000 qof.

Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka ay gacan-saarka leeyihiin waxay sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay dib uga riixeen ciidamada Eratariya iyo maleeshiyaadka TPLF magaalooyin dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Adigrat iyo Fatsi.

Dagaalladan ka holcaya gudaha Itoobiya oo soo bilowday bishii hore ayaa sii xoogaystay kadib markii ciidamada Eretariya ay si toos ah ula soo safteen kooxaha fallaagada, waxaana marar badan fashilmay dedaallo la doonayay dhinacyada dagaallamaya lagu dhex-dhexaadiyo.

Waxaa jira cabsi laga qabo in rabshaduhu ay ku fidaan dalal iyo iyo meelo kale oo gobolka ah, maadaama Addis Ababa iyo Asmara ay mar kale ku kala jiraan dhinacyo iska soo horjeeda, colaado kalena ay ka socdaan meelo kale oo gobolka ah.

Related Items

Update cookies preferences