Machad Itoobiyaan ah oo duray sheegashada xeebaha ee Masar, Sudan, Eretrea & Somalia.

Wednesday October 21, 2026 - 17:33:36
MeMO Staff
Warbixin uu qoray Surafel Tesfaye oo ah cilmi-baare Itoobiyaan ah oo ka tirsan Machadka Horn Review, ee ka faallooda arrimaha amniga iyo siyaasadda Itoobiya, ayaa ku doodaysa in dalalka xeebaha leh aysan keligood awood u lahayn maamulista xeebahooda.
Surafel Tesfaye falanqayntiisani ay daba socotaa, baaq dhawaan kasoo baxay shir ka dhacay magaalada Calamayn ee dalka Masar oo ay ka qayb-galeen madaxda dalalka Eretariya iyo Suudaan iyo sidoo kale Gurguurte oo Al-Siisi qaab jeego-dhirbaax ah kaga qayb-geliyey.

Bayaan laga soo saaray shirka Al-Calameyn, ayaa lagu adkeeyey xorriyadda isu-socodka maraakiibta, iyagoo sidoo kalena sheegay in maamulka Badda Cas uu yahay mas’uuliyad gaar u ah dalalka xeebaha leh, arrintaas oo Itoobiya ay si weyn uga carootay.

Dowladda Xabashida Itoobiya oo 5-tii bishan October ka jawaabtay bayaankaasi, ayaa si indho-caddayn ah u sheegtay in ay leedahay dano juqraafiyadeed, taariikheed iyo dhaqaale oo sharci ah oo la xiriira Badda Cas.

Waxay sidoo kale ka sanqarisay in xuduuddeeda ugu dhow ay xeebta badda u jirto qiyaastii 30 mayl oo keliya, isla markaana webiga Abay ee kasoo burqada gudaha Itoobiya ee loo yaqaan Niilka Buluugga ah, uu bixiyo ku dhowaad 85% biyaha Niilka.

Warbixintu waxay cuskanaysaa wax ay ku tilmaantay heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS), gaar ahaan qodobka 123(d), kaas oo dhigaya ayay tiri, in dalalka xuduudda la leh badaha xiran ama qayb ahaan xiran ay ku dadaalaan inay dalalka kale ee danaynaya ku martiqaadaan iskaashi.

Sidaas darteed, warbixintu waxay ku doodaysaa in qodobkani saldhig u yahay dalabka Itoobiya ee ah in lagu daro wada-tashiyada ku saabsan Badda Cas, maadaama xukuumadda Addis Ababa ay cuskanayso wax ay ku tilmaantay dood xooggan oo sharci ah.

Waxay sidoo kale qormadu ay tilmaamaysaa in qodobka 125, uu aqoonsanyahay wax ay ku sheegtay xaqa dalalka aan bad lahayn u leeyihiin inay badda gaaraan iyagoo sii maraya dalalka kale, iyadoo hababka gaadiidka iyo shuruudaha transit-ka lagu heshiinayo.

Dooddan indho la’aanta ah ee uu soo bandhigay machadka Horn Review, ayaa si cad u sheegaya in dalalka xeebaha leh aysan si gaar ah u sheegan karin maamulka xeebahooda, maadaama ay wiiqayso ayay tiri, xuquuqda dalalka kale ee bad la’aanta ah.

Si kastaba, dowladda Xabashida Itoobiya waxay xusul-duub ugu jirtaa sidii xoog ama xeelad ugu xayuubsan lahayd marin-badeed, iyadoo si gaar ah diiradda ugu haysa xeebaha Soomaaliya iyo sidoo kale dekedaha dalka Erateriya.

Related Items

Update cookies preferences