Kooxaha hubaysan ee Itoobiya oo ganafka ku dhuftay hadallo kasoo yeeray Maraykanka.

Monday October 19, 2026 - 12:21:32
MeMO Staff
Isbahaysiga fallaagooyinka hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda federaalka Itoobiya, ayaa diidday hadal uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ku tilmaamay qaybo ka mid ah colaadda Itoobiya mid gooni-u-goosad iyo argagixiso ah.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in howlgalladiisa milatari aysan ujeeddadoodu ahayn kala qaybinta Itoobiya, balse ay yihiin is-difaac, kaddib markii uu dowladda ku eedeeyay inay diidday dadaallada nabadeed, oo uu ku jiro heshiiskii Pretoria ee November 2022.

Warsaxaafadeed uu isbahaysigani soo saaray isla markaana uu akhrinayo Zemene Kassie, oo ah guddoomiyaha Fano, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ujeedka hawl-gallada ka dhanka ah dowladdu ay tahay in la helo isbeddel loo dhan yahay oo dimuqraadi ah.

Waxa kale oo bayaanku uu ganafka ku dhuftay in sida kasoo yeertay Maraykanka, falal argagixiso lagu tilmaamo, weerarro loo adeegsaday diyaarado Drones ah oo kooxaha mucaaradku ay dhawaan ka fuliyeen xarumaha dowladda ee caasimadda Addis Ababa.

Isbahaysigu wuxuu dowladda Maraykanka ugu baaqay inuu uusan dhinac-na la safan oo mowqif dhexdhexaad ah ka istaago dagaalka ka socda gudaha Itoobiya, tallaabadaas oo uu ku sifeeyey mid wax ka tari karta nabad-kusoo-dabbaalista Itoobiya.

Isbahaysiga oo ka kooban todoba kooxood ayaa si rasmi ah loo shaaciyay 20-kii September 2026, waxaanay sheegeen inay doonayaan inay xukunka ay ka tuuraan xukuumadda Axmed, ayna dhisaan maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.

Habeen hore ayay ahayd, markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio uu sheegay in kooxo gooni-u-goosad ah ay weerarro ka fuliyeen gudaha Itoobiya, isla markaana uu tilmaamay inuu si weyn uga soo hor-jeedo weerarradii loo adeegsaday Drones-ka ee dhawaan ka dhacay Addis Ababa.

Related Items

Update cookies preferences