Xilli xaalad qoobgariir ah usoo gashay maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayay dhibaatooyin soo wajahayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi.
Guddoomiyaha degmada Waajid ugu magacaaban Aadan Madoobe oo maqaar-saar u ah Gurguurte ayaa amar uu soo saaray ku sheegay in bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogeen dhammaan xaafadaha degmada isla markaana ay gubi doonaan gaadiidka shacabka ah.
Isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu ku goodiyay in laxirayo dhammaan waddooyinka soo gala degmada Waajid islamarkaana ay gubayaan gaadiidka dadweynaha.
Arrimahan ayaa imaanaya xilli kooxda Villa Soomaaliya ay diyaarado ciidamo iyo hub sida ka dejisay degmada Waajid oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan iska hor'imaadyo udhaxeeya dhinacayada isku hayo siyaasadda maamulka degmooyinka Baay iyo Bakool.
Dhinaca kale ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegay in ay burburtay waanwaan socotay 24-kii saac ee lasoo dhaafay oo la doonayay in degmada Waajid si nabad ah loogu wareejiyo ciidamada daacadda u ah C/Casiis Laftagareen.
Sida ay sheegayaan ilp-wareedyadu, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Laftagareen ayaa sheegay inay sugayeen in xal wada-hadal lagu gaaro, balse ay hadda diyaar u yihiin inay qaadaan weerar ay doonayaan in Waajid ay kula wareegaan.
Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe lagala wareegay illaa sedax degmo iyo deegaan kaabiga kuhaya magaalada Baydhabo.
Sidoo kale magaalada Baydhabo, ayaa haatan waxaa si weyn ugu hareeraysan ciidamada Laftagareen daacadda u ah, waxaana jira maleeshiyaad iyo saraakiil saacadihii lasoo dhaafay ka goostay maamulka Aadan Madoobe iskuna dhiibay dhinaca C/Casiis Laftagareen.
Taliye Cabdille Booroow iyo maleeshiyaad fara badan oo uu watay ayaa ka mid ah askarta u goosatay dhinaca maamulka Koonfurta Galbeed ee hoggaamiyaha uu ka yahay Laftagareen.
