Saraakiil ciidan oo Itoobiyaan ah oo Hargeysa kula shiray taliyaha maleeshiyaadka Somaliland.

Wednesday October 14, 2026 - 14:36:51
MeMO Staff
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay saraakiil ciidan u dirtay dhinaca maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, ee garwadeenka uu ka yahay daba-dhilif CabdiRaxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Taliyaha Guud ee maleeshiyaadka maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa xarunta Taliska Guud ee ee magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay safiir-ku-sheegga Itoobiya u fadhiya Somaliland, Teshome iyo saraakiil kale oo Itoobiyaan ah.

Kulankan ayaa la sheegay in labada dhinac kaga wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca, iyaga oo sidoo kale diiradda saaray xoojinta wada-shaqaynta amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha amni ee ka taagan gobolka.

Safiir-ku-sheega Itoobiya u fadhiya Somaliland, Teshome, ayaa isna la sheegay in taliyaha Guud ee maleeshiyaadka Somaliland uu uga warramay xaaladihii ugu dambeeyey ee ka taagan gobolka.

Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, taliyaha maleeshiyaadka Hargeysa ayaa xaqiijiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee labada dhinac.

Kulankan ayaa la awrinayaa in uu qayb ka yahay wada-hadallo la xiriira iskaashiga amniga iyo difaaca ee maamullada Hargeysa iyo Addis Ababa, xilli waqooyiga Itoobiya ay ka holcayaan dagaallo ba’an oo ka dhan ah nidaamka R/Wasaare Abiy Axmed.

Rashiid Cabdi oo ka faallooda arrimaha amniga ee Geeska Afrika iyo weliba Bariga Dhexe, ayaa sheegay in xiisadda ka aloosan gudaha Itoobiya ay Addis Ababa ku kallifi doonto waddo kale oo sahayda ay soo marsato, maadaama dagaalladu ay saamayn karaan jidka Jabuuti.

Dhinaca kale maadaama Itoobiya ay xoojisay damaceeda bad-raadiska ah, ayuu falanqeeyuhu tilmaanay in xeebta istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo dekedda Berbera ay mar kale dib ugu soo laabteen saaxadda iyo xisaabta siyaasadda ee Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences