Roobabka Xilliga Deyrta ee ka curtay intabadan gobollada dalka Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in ay dhibaatooyin ugeysteen dadka iyo duunyada.
Sida ay wararku sheegayaan roobab daadad wata ayaa ku da'aya gobollada waqooyi galbeed illaa iyo bartamaha Soomaaliya waxaana jira dad aan illaa iyo hadda nolol iyo geeri midna lagu hayn.
Roobabka sanadkan oo ka duwan kuwii horay uda'i jiray ayaa la sheegay in ay biya badan ku shubeen waadiyaasha iyo webiyada.
Deegaannada ay saameynta daran ku yeesheen Roobabka deyrta waxaa kamid ah deegaanka godob-yar ee hoostaga degmada Burtinlle ee gobolka Nugaal oo biyaha xareedda ay camimeen dhammaan guryaha deegaanka, waxaana la arkayay dadka qaar oo ay dantu ku qasabtay in ay geedaha fuulaan si ay biyaha uga badbaadaan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhammaan agabyadii ay adeegsanayeen ay biyaha roobabka latageen islamarkaana dhismayaashii deegaanka ay maashoobeen.
Musiibada ku dhufatay deegaanka godob-yar ee gobolka Nugaal mid lamid ah waxay ku dhufatay deegaanno katirsan Togdheer iyo waqooyi galbeed, dadka ku dhaqan tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ayaa ka codsanaya shacabka wax heysta in ay gurmad usoo fidiyaan.
Iyadoo billaaw ay yihiin Roobabka xilliga Deyrta ayaa laga digayaa roobab daad wata oo ka da'a gobollada waxaana loogu baaqay dadka deggan hareeraha webiyada iyo togagadda in ay ka fogaadaan meelaha biya mareennada ah.
