Jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeellaha hoose.
Hawl-gal jihaadiyiintu ka fuliyeen duleedka degmada Dayniile ee caasimadda Muqdisho waxey ku dileen askari lagu magacaabi jiray Dayax, Waxeyna kasoo furteen Mooto uu watay.
Sidoo kale, hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu xalay la beegsadeen bar-koontarool oo maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin xaafadda Soona Keey ee degmada Hodan, ayaa lagu dhaawacay 2 askari.
Jihaadiyiintu waxay sidoo kale qarax la beegsadeen maleeshiyaad ku sugan xaafadda Ramadaan ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimadda Muqdisho.
Maleeshiyaadkan la weeray ayaa ah kuwa sida gaarka ah u qaabilsan burburinta iyo dhul-boobka Garguurte ka wado deggaanka Ceelasha Biyaha. Waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray.
Shabeelada hoose, waxay dagaalyahannadu aroornimadii shalay weerar ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa deggaanka Ceel-wareegoow ee duleedka magaalada Marka.
Isla gobolka Shabeellaha hoose, waxaa isla shalay ka dhacay, weerar culus oo jihaadiyiintu ku ekeeyeen xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Mubaarak.
Waxa kale oo xoogagga Al-Shabaab ay habeen hore weerar culus ku mireen xerada ciidamada Uganda iyo saldhigga maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ee degmada Jannaale.
Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu beegsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
