FAAH-FAAHIN: Diinsoor oo lala wareegay + ruxan xooggan oo ka jira Waajid & Baydhabo.

Saturday October 17, 2026 - 15:23:03
MeMO Staff
Ciidamada daacadda u ah CabdiCasiis Laftagareen ayaa fiidkii xalay la wareegay gacan-ku-heynta degmada Diinsoor ee gobolka Baay, taas oo noqonaysa degmadii Afraad oo ciidamadani ay maamlmo gudahood gacanta ku dhigaan.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in gudaha magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Laftagareen, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid gacan-ku-heynta Koonfur Galbeed, iyadoo xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa millateri ay sii xoogaysanayaan.

La-wareegista degmada Diinsoor waxay dhabar-jab weyn ku tahay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku wiiqdo awoodda Laftagareen, isla markaana ay ku xoojiso saamaynteeda guud ahaan gobolka.

Ciidamada Laftagareen waxaa hadda gacanta ugu jira inta badan degmooyinka gobolka Baay, waxaana ka mida Qansax Dheere, Buurhakaba, Berdaale iyo Diinsoor, kuwaas oo saddex ka mida iyo weliba deggaanka Awdiinle ay gacanta ku dhigeen muddo ka yar 24 saac gudahood.

Sida xogtu iftiiminayso degmada Baydhabo oo keliya ayaa ka maqan gacanta Laftagareen, taas oo iyada laftarkeeda lasoo warinayo in ciidamo fara badan ay dhowr jiho kaga sii siqayaan.

Waxa kale oo ilo-wareedyadu ay sheegayaan, in haatan ay socdaan wada-hadallo qarsoodi ah, oo looga arrinsanayo suurtagalnimada in magaalada Baydhabo si nabad ah loogu wareejiyo ciidamada Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen.

Xogta ayaa sidoo kale tibaaxaysa, in shaqsiyaad saameyn leh ay bilaabeen dadaallo lagu kala fur-furayo maleeshiyaadka Aadan Madoobe. Waxaana jira gorgortan lagula jiro saraakiil la sheegay inay diyaar u yihiin inaysan la dagaallamin ciidamada Laftagareen.

Qaar ka mid ah maleeshiyaadka Aadan Madoobe ayaa la sheegay in ay ku qanceen in aysan naftooda halligin oo aysan dagaal dambe ka gelin Baydhabo, halka kuwo kalena ay wajahayaan cadaadisyo lagu saarayo sidii ay uga laaban lahaayeen taageerada Gurguurte.

Ilo-wareedyo dhinaca amniga ah oo warbaahinta maxalligu soo xigatay ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah maleeshiyaadka Baydhabo ay bilaabeen inay ka baxaan fariisimaha jiidda hore ee dagaalka, halka kuwo kalena ay hubkooda ku qarinayaan gudaha magaalada.

Ciidamada daacadda u ah Laftagareen ayaa doonaya in gacanta ay ku dhigaan Baydhabo iyaga oo aan gelin dagaal culus, kaddib horumarradii dhuleed ee ay ka sameeyeen Diinsoor, Berdaale, Qansax-dheere, Awdiinle iyo Buurhakaba.

Geesta kale, guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool ee taageersan Villa Soomaaliya iyo maleeshiyaad taabacsan ayaa la sheegay inay magan-galyo ka raadsadeen saldhig ciidan oo Itoobiya ku leedahay magaalada, xilli cadaadisyada millateri ay sii kordhayaan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in maleeshiyaadkii horey ugu sugnaa gudaha Waajid ay isku shubeen xerada ciidamada Itoobiya, xilli ciidamo taageersan Laftagareen la sheegay in iyagoo aad u hubaysan ay u ruqaansadeen kuna wajahan yihiin magaalada.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidan si xooggan u hubaysan oo daacad u ah Laftagareen ay fariisimo ka samaysteen duleedka Waajid, taas oo dhalisay walaac laga qabo in magaalada laga fara-maroojiyo kooxda Xasan Sheekh.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco Telegram & Twitter:
https://x.com/WararkaSomalida

Related Items

Update cookies preferences