Maraykanka oo digniin amni u diray muwaadiniintiisa ku sugan Bariga Dhexe.

Monday October 19, 2026 - 09:01:09
MeMO Staff
Maraykanku wuxuu uga digay muwaadiniintiisa ku sugan Bariga Dhexe inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, sababo la xiriira xaaladda amni ee cakiran. Wuxuu uga digay suurtagalnimada baaqashada duulimaadyada, xiritaanka hawada iyo carqaladaha safarka.
Digniinta ayaa xustay in Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan ay weerarro ka fuliyeen Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah iyo carqalado waaweyn oo dhanka safarka ah. Waxaa sidoo kale jirta suurtagalnimada in colaadahaasi ay si degdeg ah ugu fidaan meelo ka baxsan aagga ay hadda ka socdaan.

Muwaadiniinta Maraykanka ee u safraya Bariga Dhexe ama ka soo baxaya ayaa lagu boorriyey inay la socdaan xaaladda garoomada diyaaradaha iyo shirkadaha duulimaadyada, isla markaana sii diyaarsadaan qorshayaal kale oo ay ku dhaqaaqaan haddii xaaladdu is beddesho.

Digniintu waxay intaas ku dartay in Iiraan iyo kooxaha taageera ay bartilmaameedsan karaan danaha kale ee Maraykanka ee dibadda, ama goobaha lala xiriiriyo Maraykanka iyo muwaadiniintiisa meelo kala duwan oo dunida ah, oo ay ku jiraan shirkadaha ganacsiga iyo hay'adaha kale ee Maraykanka.

Related Items

Update cookies preferences