Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka hadashay howlgalkii lagu raafay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Villa Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen dhulka Soomaali Galbeed.
C/qaadir Rashiid Ducaale oo ka tirsan maamulka xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen 220 askari oo tababar uu usoo xiray Xasan Sheekh isagoo maleeshiyaadkan ku eedeeyay in qaab sharci-darro ah kusoo galeen Itoobiya sida uu u hadalka u dhigay.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay in saaka aroortii hore maleeshiyaadkan gaadiid xamuul ah looga daabulay magaalooyinka Jigjiga iyo Qabridaharre waxaana loo kaxeeyay dhanka Addis Ababa, saraakiil ka tirsan booliska Federaaliga Xabashida ayaa gacanta ku dhigay.
Lama oga sida ay Itoobiya ka yeelayso maleeshiyaadkan Soomaalida ee lagu tababaray Xanaanbuurre waxaana suuragal ah in si qasab ah looga qeyb geliyo dagaallada ka holcaya gobolka Tigray ama in xaabo looga dhigo dagaalka la filayo in uu dhaxmaro Asmara iyo Addis.
Saraakiisha sirdoonka Itoobiya ayaa aaminsan in maleeshiyaadkan lagu tababaray bartamaha Soomaaliya ay calooshood u shaqeystayaal u ahaayeen dowladaha Masar iyo Ereteriya isla markaana la doonayay in loo adeegsado qalqal gelinta ammaankeeda ama lagu weeraro maamul xulufo la ah Itoobiya oo loola jeedo Jubbaland.
