Xilli ay fashilmeen dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu dhax-dhaxaadiyo kooxda Riddada Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayuu Xasan Gurguurte soo xiray dhammaan albaabadii wadahadalka.
Isagoo kalimad ka jeediyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayuu sheegay in ay ku soconayaan qorshayaasha u deggan ee ah in ay awood ku muquuniyaan siyaasiyiinta mucaaradka ah islamarkaana qabtaan doorashooyin ugaar ah.
Gurguurte ayaa meesha ka saaray wax wadatashi dambe ah oo uu layeesho siyaasiyiinta mucaaradka tani oo ka dhigan in albaabada wadahadallada ay soo xirmeen.
"Dowlad dalka hoggaamisaa joogta, kalmadda luntay een meesheedii lahayn, ee la yiraahdo talada dhexda dhig, ….talo dhex la dhigayaa ma jirto, dalkaan dowladuu leeyahay, iyadaa talinoyso…” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay xukuumadda Villa Soomaaliya soo saartay jadwalka doorashooyin-ku-sheegyo ujeedadoodu tahay in Xasan Gurguurte uu 5 sano oo hor leh kusii joogo xilka madaxweynaha DF Soomaaliya.
