FAAH-FAAHIN: Berdaale & Awdiinle oo lala wareegay + Diinsoor oo kaabiga lagu hayo.

Friday October 16, 2026 - 17:07:17
MeMO Staff
Ciidamada Koonfur-galbeed ee daacadda u ah C/Casiis Laftagareen ayaa maanta si nabad ah kula wareegay degmada Berdaale ee gobolka Bay, taas oo qiyaastii 55 km dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo.
Berdaale oo noqonaysa degmadii saddexaad ee maalmo gudahood ay la wareegaan ciidamada Laftagareen, ayaa ku taal wadada isku xirta Muqdisho iyo Doolow, taas oo ka dhigaysa goob muhiim u ah gaadiidka iyo ganacsiga.

Maleeshiyaadkii ku sugnaa degmadan ee taabacsanaa kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada ka hor intii ciidamada Laftagareen aysan soo gaarin degmada.

La-wareegtista degmadan istaraatiijiga ah ayaa loo arkaa inay caqabad ku tahay maamulka maqaar-saarka ah ee Gurguurte uu soo cumaamaday uu hoggaamiyo Aadan Madoobe, kaas oo fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale ciidamada Laftagareen waxay isla maanta dagaal la’aan kula wareegeen gacan-ku-heynta deggaanka Awdiinle oo qiyaastii 35 KM u jirta Baydhaba, halkaas oo maleeshiyaadkii joogay ee Aadan Madoobe ay isaga firxadeen iyagoo aan dagaallamin.

Ilo amni ayaa sheegay in Awdiinle ay ahayd goob difaac oo muhiim u ah maleeshiyaadka taabacsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo difaac u ahaa magaalada Baydhabo, oo haatan fariisin u ah maamulka maqaar-saarka ah ee Aadan Madoobe.

Sarkaal amni oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka digay in luminta Awdiinle ay saamayn taban ku leedahay Baydhabo, amnigeeduna uu halis gelaayo haddii ay dhacaan weerarro milatari oo hor leh, maadaama magaaladu ay muhiim u ahayd difaaca Baydhabo.

Maleeshiyaadkii kooxda Villa Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa la safan maamulka Aadan Madoobe ayaa la sheegay in ay isaga baxeen magaalada una jihaysteen dhinaca Baydhabo, kadib markii ay ogaadeen in ciidamada Laftagareen ay kusoo ruqaansadeen.

Geesta kale, ciidamada Laftagareen ayay wararku tibaaxayaan inay u jihaysteen dhinaca degmada Diinsoor ee isla gobolka Baay, halkaas oo iyadana la sheegay in qoob-gariir xooggani uu lasoo dersay maleeshiyaadkii ku sugnaa ee taabacsan maamulka Gurguurte.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in haatan ay socdaan wada-hadallo ku saabsan suurtagalnimada in degmada si nabadeed loogu wareejiyo ciidamada Koonfur Galbeed ee daacadda u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Sarkaal amni iyo ilo-wareedyo ku sugan Diinsoor oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Diinsoor ee taabacsan DF Soomaaliya uu magangelyo ka raadsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ay ka deggen yihiin degmadaasi.

Sidoo kale, xogta ayaa intaas ku dartay in maleeshiyaadka taabacsan kooxda Villa Soomaaliya ay isaga baxeen fariisimo muhiim ah, oo ay ku jirto xarunta degmada, waxaana la sheegayaa in saacadaha soo socda ay suurto-gal tahay in degmada ay la wareegaan ciidamada Laftagareen..

Si kastaba, haddii ciidamada Laftagareen ay la wareegaan degmada Diinsoor, tallaabadaasi waxay ka dhigan tahay in gebi ahaanba ay gacanta ku hayaan degmooyinka gobolka Baay, marka laga reebo degmada Baydhabo, oo iyaduna go’doonsan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco telegramkan:

Related Items

Update cookies preferences