Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya laba maleeshiyo oo laga dareemayo Beledxaawo.

Tuesday October 06, 2026 - 07:14:59
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhiillo colaadeed ay ka aloosantahay degmada Belexaawo ee kaabiga ku haysa xuduud beenaadka Itoobiya iyo Kenya.
Xiisadaha ayaa yimid kadib markii ay ciidamo ka tirsan maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland kasoo dhaqaaqeen Dooloow ayna soo gareen duleedka degmada arrinkaas oo sababay in maleeshiyaadka ku sugan Beledxaawo ay difaacyo qotaan.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ugu magacaaban Kooxda Villa Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa qiray in xaalad halis ah ay ka jirto magaalada isagoo digniin u diray wasiirka ammaanka maamulka Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada dhinacy ee ku loollamaya gacan ku heynta Beledxaawo ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, wararka ayaa intaas ku daraya in uu fashil qarka u saaran yahay heshiis horay u dhaxmaray Cabdirashiid Janan iyo Axmed Madoobe oo ku aadanaa in uu magaalada si nabad-gelya ah ku wareejiyo.

Related Items

Update cookies preferences