Isbahaysiga Sacuudiga oo dib ula wareegay magaalooyin Xuutiyiintu ay qabsadeen.

Tuesday October 06, 2026 - 07:09:28
MeMO Staff
Isbeddello dhanka maamulka ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Yeman, halkaas oo ay isku fara saareen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee Yeman.
Mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ayay shalay marti gelisay Yeman, Aala-sucuud iyo xulafadiisa ayaa qaaday weerar isugu jiray mid cir iyo dhul ah oo ka dhan Xuuthiyiinta.

Ciidanka Yeman ee taageerada ka helaya Sucuudiga ayaa shaaciyay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid tahay Dhubab, taasi oo ay saareen ciidanka Xuuthiyiinta Yeman.

Weerarka xooggiisa waxa ka qeybqaadanayay diyaarado nooca kuwa dagaalka ah oo nidaanka Aala-sucuud uu soo howlgeliyay, kuwaas oo geysanayay duqaymo ba’an.

Khubaro Ameerikaan ah oo ku sugan gudaha Sucuudiga ayaa sidoo kale hagayay howlgalka uu Sucuudigu ku qaaday Yeman ee lagu beegsanayay goobaha ay ku suganyihiin Xuuthiyiinta.

New York Times, wuxuu sheegay in 200 oo khubarro isugu jira millatari iyo Sirdoon uu Maraykanku geeyay xaruumaha millatariga Sucuudiga ee laga hagayo howlgalka ka socda Yeman, kuwaas oo la sheegay inay isbahayiga Sucuudiga ka caawinayeen la socodka goobaha ay ku suganyihiin ciidanka Xuuthiyiinta iyo meelaha ugu habboon ee lagu beegsanayay ciidankaasi.

Inka badan 100 diyaaradood ayaa la sheegay in Sucuudigu soo geliyay hawada Yeman, kuwaas oo ka qeybqaadanayay weerarka ka dhanka ah Xuuthiyiinta, waxaana weerarka Sucuudiga uu gaaray xeebaha Baabul Mandab.

Waxay wararka qaar sheegeen in isbahaysiga ay hoggaamiso xukuumadda Riyaad ay qabsadeen goobo muhiim ah oo kuyaal Baabul Mandab oo ay ku sugnaayeen Xuuthiyiinta.

Magaalooyinka ku dhacay gacanta isbahaysiga Sucuudiga waxaa ka mid ah magaalada Mokha ee muhiimka ah, telefishanka RT oo soo xiganaya xubno saraakiil ah oo ka tirsan isbahaysiga Sucuudiga ayaa baahiyay in ciidamada isbahaysigu beegsadeen inka badan 324 bartilmaameed oo Xuuthiyiintu ku leeyihiin aagga badda cas.

Weeraradan culus ee dib uga qarxay Yeman ayaa waxaa ku gacan sarreeya ciidamada Sucuudigu hoggaamiyo, muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay jabka deg degga ah ee la gaarsiiyay ciidanka Xuuthiyiinta, lama oga waxa xigi doona iyo nooca ay noqon doonto jawaab celinta Xuuthiyiinta.

Related Items

Update cookies preferences