Dhul-gariir ku dhuftay xeebaha ku dhow degmada Caluula ee gobolka Bari.

Wednesday September 30, 2026 - 06:10:51
MeMO Staff
Dhulgariirkan ayaa saqdii dhexe ee xalay laga soo calaamadiyay in uu ku dhuftay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay maamulka la baxay Puntland.
Dhulkariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 4.4 Richter, ayaa si gaar ah uga dhacay meel qiyaastii 86 km dhanka waqooyi-bari kaga beegan degmada Caluula ee gobolka Bari.

War kasoo baxay maamulka Ashahaada la dirirka Puntland oo looga hadlayay dhacdada dhul-gariirka, ayaa digniin loogu diray dadka deggan gobolka Bari, gaar ahaan magaalooyinka ku teedsan biyaha badda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhulgariirkan uu saamayn ku yeelan karo deegaannada ku teedsan xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee magaalooyinka Caluula, Bareda, Qandala iyo Boosaaso.

Waa dhul-gariirkii labaad oo sannadkan gudihiis ka dhaca xeebahaa u dhow degmada Caluula ee gobolka Bari, lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay gariirka cusub ee ka dhacay biyaha badda.

Inta badan dhulgariirrada ka yar 5 Richter ma gaystaan khasaare nafeed iyo weliba mid hantiyeed oo sidaas u weyn, waxayna badanaa noqdaan kuwa la dareemo, khasaarahoodana uu yaryahay.

Halka dhul-gaariirraada uu cabbirkoodu ka badan yahay 6 Richter ay geysan karaaan khasaare isugu jira dhimasho iyo burburka dhismeyaal iyo sidoo kale magaalooyin.

Related Items

Update cookies preferences