Waxaa sii xoogeystay xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii xoog lagu geeyay nin ay kooxda Villa Soomaaliya usoo magacaawday madaxweyne ku xigeenka maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in Cabdifaaax Xasan Afrax oo laga dhigay ku xigeenka Cali Guudlaawe diyaarad lagu geeyay bariga Beledweyne.
Siyaasigan daacadda u ah Xasan Gurguurte oo watay ciidamo iyo saraakiil ayaa durbabadiiba la geeyay xarumo ay ammaankooda gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada Afrikaanta ee ku sugan garoonka diyaaradaha Beledweyne iyo halka loo yaqaan Jantakuundisho ay ku wargeliyeen siyaasiyiinta diidan doorashada maamulka Hirshabelle aysan is hortaag ku sameyn karin Cabdifataax Xasan Afrax oo loo garan ogyahay Gaal-hoose.
Saacado kadib markii uu ku xigeenka cusub ee Cali Guudlaawe tagay Beledweyne ayay xiisaduhu cirka iskusii shareereen waxaana la arkayay maleeshiyaad ku gaafwareegaya xaafadaha bari ee magaalada.
Cabdifaax Xasan Afrax oo ka hor intii uusan Beledweyne aadin warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa digniin udiray cidwalba oo kasoo horjeesata dhismaha maamulka cusub ee Hirshabelle.
Lama oga sida ay xaaladda Beledweyne sii ahaan doonto maadaama ay magaalada isla joogaan siyaasiyiin is khilaafsan oo dhinac walba uu heysto boqolaal maleeshiyaad ah.
