Hoggaamiyeyaasha gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa sheegay Arbacadii in ay galeen dagaal cusub oo ay la galayaan dowladda federaalka, kaddib markii dagaallo hor leh ay ka qarxeen gobolka Tigray iyo laba gobol oo deris la ah, taas oo meesha ka saartay heshiiskii nabadeed ee afar sano jiray.
Sida lagu sheegay bayaan maanta oo Arbaca ah kasoo baxay maamulka Tigray, maaleeshiyaadka TPLF ayaa lagu amray in ay galaan wax lagu sheegay dagaal difaac ah, kadib markii ciidamada federaalka lagu eedeeyey inay weerar iyo duullaan hor leh kusoo qaadeen gobolka Tigray.
"Kadib markii ay sii xoogeysatay duullaanka iyo xasuuqqa uu nidaamka kali-taliska ah ee Abiy Ahmed uu ku hayo shacabka Tigray, Dowladda Maamulka Gobolka Tigray waxay ku dhawaaqday in ciidamada Tigray lagu amray inay ka hortagaan weerarka ayna galaan dagaal difaac ah.” ayaa lagu yiri bayaanka.
Warar ay wakaaladadda AFP ka heshay ilo ka tiran hey’adaha sheegta in ay wax gargaaraan iyo sidoo kale ilo amni ayaa sheegaya in tan iyo habeennimadii xalay uu dagaal ka socday labada magaalo ee Abala iyo Erebti, oo ka tirsan gobolka Canfarta, kuna dhow xadka Tigray.
Mas’uul hore oo sare oo ka tirsanaa TPLF ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen magaalooyin iyo degmooyin ka tirsan gobolka Canfarta sida Berhale, Erebti, Abala, Megale, Dalul iyo Konoba, kadib markii ciidamada federaalku ay dib-u-gurasho degdeg ah sameeyeen.
Xalay ayay ahayd markii sidoo kale Tigrey-gu ay dagaal kula wareegeen madaarka caalamiga ah ee Maqalle, caasimadda gobolka Tigray, iyadoo sidoo kale weeraro ka dhacay magaalooyinka Shire iyo Aksom ay sababeen in ciidamada federaalka laga qabsado saldhigyadii ay ku sugnaayeen.
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay saddex goobood oo ku yaalla gobolka Tigray, kaddib markii la soo sheegay in Jabhadda TPLF ay la wareegtay gacan-ku-haynta garoonka caalamiga ah ee Maqalle.
Getachew Reda, oo la-taliye u ah Abiy Ahmed isla markaana hore uga tirsanaa TPLF, ayaa bartiisa X ku qoray in TPLF ay la wareegtay garoomo diyaaradeed isla markaana ay qaadday weerar ballaaran oo lagu beegsanayo fariisimaha dowladda ee gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.
Afar ilo-wareed, oo ay ku jiraan mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, ilo diblomaasiyadeed, ilo ka tiran hey’adaha gargaar-ku-sheegyada iyo ilo xiriir la leh TPLF iyo maleeshiyo xulafo la ah, ayaa Reuters u xaqiijiyay dhacdooyinka ka socda gobollada Tigrey-ga, Canfarta iyo Amxaarada.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in gobolka Canfarta, ciidamada Tigray ay garab socdaan koox hubeysan oo deegaanka ah, halka gobolka Amxaarada ay si wadajir ah ula dagaallamayaan ciidamada dowladda, iyagoo dhinac la ah maleeshiyada Fano.
Xiisaddan oo u muuqata mid haata uun si dar-dar leh usoo karaar-qaadatay, ayaa ka dhalatay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed, dhuleed iyo amni oo lagu xallin kari waayay heshiiskii Pretoria ee 2022.
Jabhadda TPLF ayaa saddex maalmood ka hor ku biirtay isbahaysi ay ku midoobeen toddobo kooxood oo u badan jabhadaha hubaysan sida Fano iyo OLA, kuwaas oo sheegay inay doonayaan in meesha ay ka saaraan xukuumadda uu garwadeenka ka yahay Abiy Axmed.
