Walaalayaal waan idin salaamayaa marka hore, waxaan kamid ahay maxaabiiska kasoo baxsatay Godka Jilacow Sabtigii lasoo dhaafay, waxaan rabaa inaan idinla wadaago sheekadeyda Xabsida, balse waxaan ka cudur daaranayaa in aanan halkan ku qoro magacayga, sababtoo ah qisada aan ka hadlayo waa mid taabanaysa amnigeyga iyo shaqsiyadeyda, ciddiise daneynaya iney wax badan ka ogaato dhibka I gaaray sida hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta, waxay igala soo xiriiri karaan Gmail-ka hoos ku qoran.
Anigu waxaan ahay arday kusoo koray duruuf iyo agoonnimo, laakin dadaal iyo dhabar adayg badan kadib abuurtay himilooyin, rajo badan kasii lahaa nolosha iyo horumarka adduunyada, waxaan bartay farsamooyin badan oo gacanta ah, waxaana ku shaqeysanayay. Xilli aan isku diyaarinayo guurkayga ayaa bishii Febraayo ee sannadkan la iga soo xiray xeebta Liido ee magaalada Muqdisho anigoo dalxiis kula jira gabadha la I siiyay ee aan la aqal gali lahaa.
Maalinkaas intii xeebta ku damaashaadaysay oo aan kamid ahay waxaan ka war helnay Abiy Axmad iyo Xasan Sheekh oo daar dusheena ah saaran iyo ciidan aan haba yaraatee wax naxariis ah lahayn oo nagu qasbaya inaan u sacbinno Abiy. Dadkii meesha joogay ee aan kamidka ahaa ma sacbin ee waxaan ku orinay Abiy Axmad, waayo madaxweyne Xasan ayaaba noogu khudbeeyay dhowr jeer ninkaas inuu cadaw yahay oo uu baddeena qaadan rabo. Calaa kulli xaal, waxaa dhacday in wiil kamid ah dhallinyaradii la dilo, kolley social media ayaad ka aragteen meydkiisa iyo sida uu dhiiggiisa badda u galay.
Aniga waxaan u jiray meesha uu wiilka ku dhimayaayo qiyaastii boqol tallaabo, waan naxay runtii, tallaabna waan qaadi waayay, markaas ciidan agteyda soo maray ayaan ku iri anigoo cod dheer ku hadlaya "war Soomaali ma tihiin miyaa? damiir ma lihidiin miyaa? maxay tahay waxa aad maanta sameyseen?. Isla markii laba askari ayaa dharbaaxsho iyo caay iskugu key daray, waxaa qeylisay gabadhii ila socotay, iyadana laad ayay ku dhufteen, dabadeed aniga iyo wiil kale ayay na kaxaysteen oo na lugeysiiyeen, markey xoogaa na qumiyeen ayay indhaha naga xireen oo nagu tureen gaari, dabadeedna Godka Jilacow ayay na geeyeen.
Maalintaas illaa maanta maxkamad la ima hor geynin, ehelkeyga waa laga diiday in la I tuso, waxaana galay xaalad aan ka rajo dhigay adduunyada, taasna waa midda igu qasabtay inaan qoro wixii igu dhacay si aan u nafiso oo ugu yaraan ciilka I haya aan isaga qafiifiyo iyo inaan u hadlo dad badan oo arrintooda aan laga hadlin oo uu dhib badan ku gaaray Godka Jilacow. Waxaa laga yaabaa adigan qoraalka akhrisanaya markaad dhibkeyga aragto inaad yaabto oo aad is tiraahdo "ninkan muxuu isaga qarsan waayay waxa gaaray” waa runtaa walaal marar badan waan ku taamay inaan iska aamuso, balse xaqiiqdii waan ku qasbanahay inaan sheego, waayo, waxaa laga yaabaa in warkeygu gaaro dad wax ka qaban kara dhibkan, ha ahaadaan Soomaali ama ajaanib.
Qisada igu qabsatay Xabsiga waxaa laga qori karaa buugaag, waa sheekooyin taxane ah iyo cadaab aad u daran oo saacad- saacad iigu dhacayay laga billaabo aroortii illaa aroorteeda kale, waana ciqaab aan ku noolaa muddo 7 bilood iyo maalmo ah oo aan jeelka ku jiray. Godka jilacow waxaa iskula xirnaa dad loo haysto iney Al-Shabaab yihiin iyo kuwa sideyda oo kale oo la iska soo xirtay, ganacsato lacago laga rabo iyo dad eheladoodu hanti leeyihiin oo madax furasho laga rabo intaba. Xabsiga waa godad mugdi ah oo markaad gashid aad isleedahay qabrigii ayaad ku jirtaa, hawo ma laha oo neefta waad raadineysaa, qolku waa ciriiri, meel loogu talagalay 10 qof ayaan ku jirnay annagoo 50 qof ah, dhulku waa kaadi iyo saxaro, inta badan waad taagnaanaysaa, hurdo ma jirto, mararka qaar habeenadii ayaa lagu soo bixinayaa, waana lagu ciqaabayaa.
Waxaa iigu darnaa 4 habeen oo la I soo bixiyay, habeenkii ugu horreeyay waxaan islahaa caawa waa lagu sii deyn doonaa, laakin si xun ayaa la ii garaacay iyadoo aan waxba la ii sheegin, waxaan ku iri adeerow maxaad igu heysataan, maxaad ii garaacaysaan, muslim ma tihiin miyaa? Waxaa I garaacayay 6 nin iyo qof dumar ah oo arxan laawayaal ah, adigu sidey ii jir dilayeen markaan tabar dhigay ayay haddana waxay igu rideen barkad biyo ah oo Godka jilacow macruuf ka ah oo laga cowdi billeysto, waxaa ku jira biyo ur badan oo lagu daray ooliyo burushaato iyo kaadi.
Habeen kale ayay isoo celiyeen waxayna ii geeyeen niman baarayaal waaye la leeyahay, waxay igu dhaheen "waan ku ognahay inaadan Shabaab ahayn, waxa laguugu soo qabtayna adigaaba nooga war bixiyay markii lagu keenay, annagana xogta hortaa ayaan heynay, laakin waxa aan kuu jir dileyno waxa weeye inaan naga aqbasho hal arrin oo ah inaad nala shaqeyso, haddii kale meeshii xalay iyo meel ka xun ayaa ku hursan” kadib, talo xumo ayaa igu dhacday oo waxaan ku iri waan idinla shaqeynayaa anigoo is leh ciqaabkaas uun aad uga badbaadid oo mar uun aad ka baxdid xabsiga, "waa yahay habeen dambe ayaa noo ballan ah” sidaasi waxaa igu yiri nin la iigu sheegay inuu yahay madaxa barista Godka Jilacow.
Markii xabsigii iyo godkii la igu celiyay waxay maxaabiistii oo dhan I weydiiyeen "ma lagu garaacay caawa haddana, maxaad lasoo kulantay” sheekadii iyo sida ay wax u dhaceen ayaaan u sheegay, markaas ayay ashahaateen oo waxay igu yiraahdeen "hadda ayaad af libaax ku dhacday ee ka laabo arrintaas, waayo ciqaabkii mid ka daran ayaad kala kulmeysaa waadna ogaan doontaa” aniga waan qariibsaday taladooda, mana go’aansan inaan ka laabto, balse habeenkii xigay ee sadaxaad ayaa la ii yeeray, waxaa ii yimid isla kooxdii oo uu horkacayo ninkii baaraha ahaa. "waryaa mana maqleysaa” ayay igu yiraahdeen "haa” ayaan ku iri "xalay waxaad oggolaatay inaad sirdoonka Nisa la shaqeeneyso, meeshii laguu diro iyo shaqadii laguu dirana inaad qabanayso, maxaa iska badalay go’aankaagii "maya, maya” ayaan ku iri, anigoo naxsan, kadib baarihii ayaa igu dhahay maxaan kugu aamini karnaa "waan dhaaranayaa ayaan ku iri” intuu igu qoslay ayuu dhahay "ciyaarta naga daa, si fiican u hadal, sheeg maxaan kugu aamini karnaa” waxaan ugu jawaabay "wax aan Alle magaciis ahayn oo aan idiin sheegayo malaha, aniguna ma lihi hanti aad rahan ahaan iiga sii heysataan, ninkaas iska miskiinka ah ayaan ahay” wuxuu igu dhahay "mar haddaad wali ku taagan tahay go’aankaagii waad fiican tahay, wixii aan kugu aamini lahayn adigu haddaadan heynin dhib ma laha, annaga ayaa heyna, wax walbana wada shaqeynta ayaa ka muhiimsan” maxay yihiin ayaan ku iri, wuxuu igu dhahay "niman ayaa kuu imaanaya iyaga raac, kadib aan habeen dambe isku nimaadno” anigoo naxsan ayaa waxaan ku iri "waa yahay”.
Intaas kadib maxaa dhacay, waxa dhacay runtii waan dhibsanayaa inaan qoro, sheekadu markey halkan soo gaartay waan hakiyay qoraalka, waxaan gocanayaa, falfalxumadii la igula kacay. Calaa iyo xaal, nimankii wey I kaxeeyeen, waxayna I geeyeen qol ay ku jiraan dumar sarqaansan oo dhulka yaal yaalla oo aad moodo iney suuxdin kasoo tooseen, qolka waxaa yaallaa laba Kamaro oo waaweyn oo aan qarsoonayn, war iyo dhammaantiis, nimankaas ma garanayo luqad aan ku sheego falka ay igula kaceen, waan la dagaalamay marka hore laakin wey iga awood badiyeen kadib, waxay ii geysteen fal qowmu luud ah, muuqaal ayayna iga duubeen.
Habeen kale waxaa ii yeeray kooxdii oo uu baaruhu horboodayay, waxa ii shideen muuqaalkii, goobta ayaan ku ooyay, waxay igu yiraahdeen "waa sir, cid lama wadaageyno, waa dokumintiga aan kugu aamineyno, haddaad shaqada laguu diray kasoo baxdo amaanada sideeda ayaan u heeneynaa, hadaadse ballanta ka baxdo, annagana ballanta waan ka baxaynaa waana sii deeneynaa oo social media ayaan ku baahineynaa. Markey sidaa I dhaheen waan ku ciil baxay, waxaan midkood ku dhuftay galaas ay biyo iigu keeneen, waxaana ku iri "waxaad tihiin gaalo qowmu luud ah oo Ilaahey ka furtay mana idinla shaqeynayo saanbo haddaad tihiin, waxaad doontiinna igu sameeya hadda kadib waxaan ahay nin dhintay oo aad mustaqbalkiisii ku dheesheen” intey igu qosleen ayay amreen in meesheyda la igu celiyo. Markaas wixii ka dambeeyay iima yeerin, godka ayaan ku jiray, habeen iyo maalinna waan iska ooynayay runtii, waxaa igu dhacay cudur, haddaan saacad joogo waxaa igu soo dhacaya dhibkii I gaaray markaas ayaan oynayaa meel walba aan joogo, xataa anigoo salaad tukanaya.
Soomaali maxamadeey, waxaan ahay, nin muslim ah, waxaan idiinkugu dhaaranayaa magaca Ilaahey, wallaahi, billaahi tallaahi, Godka Jilacow waxaa ka jira qowmu-luud, rag iyo dumarna meeshaas wey ku ba’een oo waa lagu hoogay. Iyadoo dhibkaas uu igu dhacay, haddana waxaan ka rajo belay inaan ka boxo ciqaabka joogtada ah, maalinkii jimcaha iyo habeenkii sabtida waan duceystay si aan xabsiga uga boxo, waxaana maalintii Sabtida dhacday arrin aanan filanayn dhammaan haddaan nahay maxaabiista, waxaan ka war helnay qarax aad u weyn, daqiiqado kadibna waxaa oodda naga qaaday ciidamo Al-Shabaab ah.
Waxaan nasiib u yeeshay inaan kamid noqdo dadkii faraha badnaa ee xabsiga ka baxay, waxaan si dhab ah u bartay galabkaas Al-Shabaab, waxaan orday ayadoo xabbaddu socoto, ciil ayaa I haya, waxaa ii muuqda nimankii saan ogaa ii galay qaarkood oo xafiisyadoodii lagu xabadeynayo, waxaan ku hamiyay waxaanan waligey igu soo dhicin oo ah inaan xabbad rido oo aan la dagaal galo ciidanka Al-Shabaab si aan u aar goosto, haddana waxaa igu soo dhacday iaanan xabbad ridi aqoonin, meel laga marana aanan garanayn, laakin waan arkayay rag maxaabiista kamid ah oo la dagaal galay ciidanka Al-Shabaab.
Al-xamdulillaah, hadda waxaan noolahay anigoo xor ah, waxaase xanuun igu haya oo waxa igu dhacay iiga sii daran dad badan oo aanan sheegan waxa gaaray oo ay kamid yihiin gabdhihii suuxsanaa ee aan habeenkii arkayay iyo rag kale oo la ii sheegay in la dhibaateeyay, kuwaasoo ay xataa caruur kamid yihiin, waxaa kale oo murug igu heysa carada Ilaahey ee wadankaan ka dhici karta haddii aanan wax laga qaban nimanka ka shaqeeya Godka Jilacow. Madaxweyne Xasan haddey farriinteyda gaarto waxaan u sheegayaa inuu caddaalad siiyo inta dulman ee aan anigu ugu horreeyo, waxna uu ka qabto kuwa falkaas ku kacaya ee damiir laawayaasha ah. Qof kasta oo damiir leh iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda insaanka waxaan ka codsanayaa inay ila baadi goobaan sidaan ku heli lahaa caddaaladayda ama aad ku aar goosan lahaa. Waxaan ahay nin ciishoon, waxaana rajeynayaa inaanan ciilkeyga la dhiman doonin insha’allaah.
Email: [email protected]
