Weerarkii ka dhacay deegaanka Jameeco dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ayaa anfariir iyo argagax hor leh ku riday madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka.
Natiijada kasoo baxday macrakada ayaa lama filaan ku noqotay Xasan Gurguurte iyo saraakiisha ku xeeran, isbuucyadii ugu horreeyay ee dhacdada ayay saraakiisha ugu sarraysa ciidanka booqanayeen saldhigga Balidoogle halka Xasan Sheekh uu ku mashquulsanaa maareynta galka ciidamada Yugaandha ee isagasii baxayay deegaanno katirsan Sh/hoose.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamo saacado badan qaatay oo kadhacayVillaSomalia lagu go'aamiyay in xabsiyada loo taxaabo saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkii loogu magac daray Banooda, waxaana soo baxaya warar sheegaya in la xiray Taliyaha guud ee Hawlgalka oo ahaa G/Sare Caddow Maxamed Sahal kaasi oosidoo kale ah madaxa waaxda Kormeerka Ciidanka Dhulka.
Sarkaalkan ayaa gacanta ku hayay xogta ugu muhiimsan ee ciidamadii duullaanka wuxuuna ku eedaysanyahay dayacaad iyo in uusan hubin xogta jidadkii ay ciidamadu ku safrayeen.
Su’aalo ayaa la weydiiyey jeneraalo iyo xubno muhiim ah oo katirsan taliska ciidanka kuwaas oo ay kujiraan xataa saraakiishii booqatay ciidankii Leego kasoo jabay.
Amarka saraakiisha lagu xiray kuma koobna oo kaliya kuwii hoggaaminayay howlgalka balse waxaa lagu daray saraakiil ku sugnaa Balidoogle kuwaas oo aan la ogeyn waxa loo xiray in kaalinta ay ku leeyihiin fashilka.
Axmed Gaashaan oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii ku jabay weerarkii Jameeco ayaa isna xabsiyada melleteriga ku jira, warar soobaxay ayaa sheegaya in madaxda DF ay xaalad anfariir ah ka qaadeen xogo cusub oo khasaaraha ciidamada ku gaaray Jameeco gaarsiinaya boqolaal askari dhimasho ah.
Arrimaha layaabka ku noqotay madaxda DF-ka ayaa noqotay in meydadka askartii lagu laayay weerarka ay weli daadsanyihiin goobtii lagu dagaallamay iyagoona muuqaallo argagax leh ka arkay baraha bulshada.
Dukumiintiyo ay laamaha ammaanla DF-ka isdhaafsadeen maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Jamaaco ayaa laga dheehan karay isku dhax yaac iyo xaalad qoobgariir leh oo ay ka qaadeen xaddiga khasaaraha dhimashada iyo gaadiidka ay qabsadeen dagaalyahanada Al Shabaab.