Xasan Gurguurte oo digniin goodin ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka.

Monday November 23, 2026 - 07:49:45
MeMO Staff
Kooxda Villa Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay qirtay in ay fashilmeen dhammaan isku dayadii ay ku doonaysay in ay ku kala qeybiso kooxaha mucaaradka ah ee deggan xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xasan Gurguurte oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in hoggaamiyaasha kooxaha mucaaradka ay diideen dhammaan caasuumaadihii loo fidiyay oo ahaa in ay xarunta Villa Somalia yimaadaan si ay uga qeyb galaan wadahadallo siyaasadeed.

Hoggaamiyaha kooxda Villada oo wejigiisa caro laga dareemayay ayaa ku qeyliyay in ay diyaar uyihiin booqashada xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka ah balse aysan ogolaan doonin in dalka dibaddiisa lagu qabto shir dib uheshiisiin ah.

"Ilaa iyo hadda siyaasiyiinta mucaaradku ma naqaanno waxa ay rabaan ….” Ayaa ka mid ahaa hadalladii Gurguurte uu kaga jawaabay diidmada gogoshii uu u fidiyey siyaasiyiinta mucaaradka.

Warar soo baxay ayaa sheegayay in dowladda Yugaandha ay Xasan Gurguurte ku amartay in uu tago magaalada Kampala si halkaas loogula kulansiiyo kooxaha mucaaradka ah.

Kooxda Villada ayaa wajahayso cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah kuwaas oo ka dhashay khilaafka kala dhaxeeya kooxaha mucaaradka ah ee diiddan hanaan doorashada uu wato.

Related Items

Update cookies preferences