Inta la hubiyay ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaanno ka tirsan gobolka Gaarissa ee ku hoos jira gumeysiga Kenya, ka dib weeraro ay halkaas ka gaysteen kooxo hubeysan.
Mid ka mid ah weeraradan, ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo magacaabo Janju, waxaana halkaas lagu dilay 4 qof oo ay ku jiraan oday 60 jir ah, cunug 14 maalmood dhalan iyo hooyadii oo Soomaali ah.
Kooxo hubeysan oo qowmiyadaha Kenya ah oo inta badan dhac iyo dilal ka gaysta gobolkaasi ayaa loo badinayaa inay ka dambeeyaan weerarkan, waxay sidoo kle kooxaha dhaceen xoolo tiro beel ah oo Ari u badan.
Sida ilo wareedyo gudaha ah sheegeen weerarkan ayaa dhacay habeen hore, sidoo kale weerar labaad ayaa lagu beegsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan tuulo lagu magacaabo Ceeldheere.
Weerarkan labaad ayaa lagu dilay shan nin oo Soomaali ah, waxaana dilkooda lala xiriiriyay qowmiyadaha Kenyaanka ah, sidoo kale waxay dableydu halkaas ka kaxeysteen xoolo badan oo Lo’ iyo Ari isugu jira.
Afar maalmood ka hor ayay ahayd markii koox tuugo ah nin Soomaali ah ku dileen goob ganacsi oo uu kulahaa deegaan lagu magacaabo Awasi, oo u dhow Kisumu, waxayna ilo wareedyadu sheegeen in kooxda burcadda ah ay ninkan ugu galeen dukaankiisa, madaxana kala dhaceen bud ama bir ay ku hubeysnaayeen, kadibna waxay halkaas ka qaateen lacagtii goobta ganacsi tiillay sida ay ilo maxalli ah xaqiijiyeen.
