BAYAAN: Weerar gaadiid ciidan lagu qabsaday oo ka dhacay duleedka Balli-doogle.

Thursday November 12, 2026 - 17:12:09
MeMO Staff
Taliska millateriga ee dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray bayaan uu kaga hadlay weerar dhabbo-gal ah oo maanta ka dhacay duleedka saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi si ba’an loogu jebiyey ciidamada Danab, lagana dilay ugu yaraan 17 askari, laguna soo furtay hub, saanad ciidan, diyaarad Drone ah, iyo laba ka mid ah gaadiidkii dagaalka, kuwaas oo mid kamid ah uu saaranyahay qori Dashiike ah.

Bayaanka oo faahfaahsan ayaa ku bilowday sida tan:

"Kamiin gaadiid ciidan lagu qabsaday oo ka dhacay dueeldka Balidoogle”

02 Jamadul-Thani 1448 H (12 Nofeembar 2026)

Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Khamiis ah dagaal kala hortageen maleeshiyaad murtadiin ah oo doonayay inay duullaan arbushaad ah ku soo qaadaan deegaanada lagu maammulo shareecada Islaamka ee Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose.

Maleeshiyada murtadiinta, oo ahaa calooshood u shaqaysatayaasha uu Maraykanku tababaray ee iskugu yeera "Danab”, ayaa ka soo baxay saldhigga Balidoogle. Ciidamada Mujaahidiinta oo u heegan ahaa ayaa dagaal kala hortegay murtadiinta xilli ay marayeen nawaaxiga deegaanka Iidoow-jallaad, duleedka deegaanka Yaaqbariweyne.

Dagaal socday muddo kooban ayaa – Allah fadligiis - cadawga lagu jabiyay, waxaana la gaarsiiyay khasaare naf iyo maal leh. Inta aan xaqiijinay waxaa dagaalka lagu dilay 17 murtad, kuwaas oo qaar kamid ah maydadkooda ay cadawgu uga carareen goobtii lagu dagaalamay.

Mujaahidiinta ayaa ghaniimaystay hub, saanad ciidan, diyaarad daroon ah, iyo laba kamid ah gaadiidkii dagaalka ee ay cadawgu wateen, kuwaas oo mid kamid ah uu saaranyahay qori Dashiike ah. Cadawgii jabay ayaa u firxaday dhanka Balodoogle.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysaa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhammaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah illaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhammaanteed ay Allaah keliya u sugnaanayso.”

Related Items

Update cookies preferences