Shir wada-tashi ah oo ay isugu timid beesha Xawaadle isla markaana uu hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee beesha Xawaadle, ayaa lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed, amni iyo bulsho ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.
War-murtiyeed laga soo saaray shirkan, ayaa lagu sheegay in beeshu ay si buuxda uga soo hor-jeeddo maamulka maqaar-saarka ah ee Hirshabeelle iyo doorashadii dhawaan dib loogu magacaabay in Cali Guudlaawe uu mar kale sii ahaado madaxweyne.
Beeshu waxa kale oo bayaankeedan ay ku shaacisay gogol ay u fidisay dhammaan beelaha, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ee gobolka Hiiraan, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed iyo jihada mustaqbalka gobolka Hiiraan.
Beesha ayaa ku adkaysatay in go'aannada masiiriga ah ee gobolka Hiiraan lagu gaaro hannaan loo dhan yahay, isla markaana aan masiirka gobolka laga go'aamin karin hal dhinac ama koox keliya.
Waxa kale oo bayaanka lagu shaaciyey in 15-ka November 2026 la qaban doono dibadbax nabadeed oo ka dhacaya gobolka Hiiraan, kaas oo lagu muujinayo taageerada mowqifka Ugaaska beesha Xawaadle iyo difaaca xuquuqda iyo masiirka gobolka.
Ugu dambayn, beesha ayaa baaq u dirtay ganacsatada, jaaliyadaha reer Hiiraan ee gudaha iyo dibadda, iyadoo ugu baaqday inay taageero dhaqaale iyo mid bulsho ku biiriyaan dadaallada iyo kacdoonka ka bilowday gobolka Hiiraan.
