Dawladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ku dartay liiska 23 dal oo ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku soo saartay digniinta ugu sarraysa dhinaca safarka ee heerka Afraad.
Digniintan oo soo baxday Isniintii shalay, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Afrika ee ku jira liiska uu Maraykanku u arko inay ka jiraan xaalado khatar ku ah ammaanka muwaadiniintiisa ama aanu awood ku filan u lahayn inuu gurmad iyo adeegyo qunsuliyadeed siiyo dadka Maraykanka ah ee halkaas ku sugan.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa muwaadiniinta Maraykanka kula talinaysa in xaalad kasta oo timaadda aanay u safrin dalalkan digniinta laga soo saaray oo sidoo kale ay ka mid yihiin dalalka Ruushka, Iiraan, Yemen iyo Suudaan.
Digniintan ayaa imanaysa xilli uu fashilmay duullaanka lagu soo qaaday dalka Soomaaliya, isla markaana ciidamada Midowga Afrika ay bilaabeen in ay isaga baxaan Soomaaliya.
