Dagaaallo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo ciidanka DF Soomaaliya, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dagaallada ayaa lagu jebiyay ciidanka dowladda, waxayna ahaayeen weerarro ay dadka deegaanku kaga hortagayeen dhul-boob ay kooxda Gurguurte halkaasi ka waday.
Dagaalladii shalay galab dhacay ayaa lasoo wariyay in ciidanka dowladda looga dilay ilaa laba askari, halka nolasha looga qabtay hal askari sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Ciidanka dowladda ayaa looga itaal-roonaaday dagaalladan, muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa muujinayay askari ay gacanta ku dhigeen shacabka u hub qaatay iska dhicinta dulmiga Xasan Gurguurte.
Weerarka dadka deegaaanku ku jabiyeen ciidanka dowladda ee shalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, ayaa daba socday duullaan kooxda Gurguurte kusoo qaaday xaafaddaasi oo isugu jiray burburin dhul iyo dad shacab ah oo ay kooxdani ku dishay xaafaddaasi.
Ilaa 3 qof oo rayid ah ayay gelinkii hore ee shalay ciidanka dowladdu ku dileen xaafaddan, halka ay burburiyeen guryo badan, balse gelinkii dambe ayay dadka deegaanku weerar kaga jawaabeen duulaanka ciidanka, goobtana ku jabiyeen ciidankii duullaanka ahaa.
