Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya khataraha amni & siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sunday November 08, 2026 - 13:12:12
MeMO Staff
Mas'uuliyiin ka tirsan waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in la qaban doono kulan aan caadi aheyn oo diiradda lagu saarayo arrimaha Soomaaliya.
Golaha ammaanka ayaa qorshaynaya in uu isbuucyada soo socda uu fadhi ka yeesho xaaladaha kasoo kordha Soomaaliya.

Sida uu sheegay afhayeenka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaranada Midoobay kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha ammaanka, bani'aadanimada iyo siyaasadda Soomaaliya.

Golaha ayaa fadhigan u asteeyey 18-ka bishan November waxaana lagaga arrinsan doonaa sida laga yeelayo howlgalka ciidamada afrikaanta AUSSOM oo dhaqaale la'aan aawgeed qarka u saaran in ay dalka isaga baxaan.

Sidoo kale fadhiga ayaa la sheegay in lagu qaadaa dhigi doono murunka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waa kulankii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay ay qabato tan iyo markii la xiray xafiiskii UN-ka ee Soomaaliya ee UNTMIS, waxayna hubanti la'aan ka taagan tahay mustaqbalka DF-ka oo ay hareeyeen xasarado siyaasadeed iyo kuwa amni.

Related Items

Update cookies preferences